HARGEISA , (HargeisaPress) —Jaamacada admas ayaa maanta kulan is barasho ah u qabtay arday kakala socotay magaalooyinka Hargaysa,Berbera ,Boorama iyo Gabilay.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta guud ee Jaamacada Adhmas kuleedahay Hargaysa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Somaliland Youth iyo Jaamacada Admas.
Ugu horayna waxaa furitaanka kulankaasi ka hadlay gudoomiyaha ururka Somaliland Youth Cumar Cabdi Xasan isagoo faahfaahiyay ujeedada kulankaasi daarnaa.
Waxaanu gudoomiyuhu sheegay in kulamada noocan oo kale ah ay ardaydu ka faa’iido aqoon iyo is barasho ay is bartaan ardaydu maadaama ay kakala yimaadeen dugsiyo kala duwan oo kukala yaala gobolo kala duwan ,taasina ay tahay faa’iido wayn oo ardadu ka faa’iidaan kulamada noocan oo kale ah.
Waxaanu gudoomiye cumar kula dardaarmay ardayda in ay isbarashada ardaydu mihiimada wayn uleedahay ardayda.
Waxaa isna munaasibadii is dhex galka ardayda Dugsiyada ka hadlay Agaasimaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay ee wasaarada waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shide kaas oo hoga tusaaleeyay arday kuna booriyay inay ardaydu noqdaan arday ka dhisan xaga aqoonta iyo akhlaaqdaba isagoo ku booriyay in aqoontu aradayda dhexdooda taalo oo aradayba waxa uu ku fiicanyahay ardayga kale usharaxa ugana faa’iidooyo.
Gabo-gabadiina Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Admas Prof. Xuseen Cabdilaahi ayaa khudbad u jeediyey ardayda ayaa sheegay in kulankani yahay astaan horu marineed iyo midnabad gelyaba, sidoo kala waxa uu gudoomiyuhu sheegay in kulamadana noocan oo kale ahi ay qiimo wayn ugu fadhiyaan ardayda iskuulada.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa