Ololaha Doorashada Jabuuti oo Toddobaadkii Labaad Galay

0
1185
Ololaha Doorashada Jabuuti
Ololaha Doorashada Jabuuti

Djibouti (Hargeisa Press) – Dalka Jabuuti waxaa ka socda ololaha doorashada madaxtinimo oo toddobaadkii labaad galay, Waxaana xilka madaxtinimada u tartamaya laba musharraxa oo keli ah.

Musharrixiintaasi oo kala ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellee iyo Zakariye Ismaaciil Faarax oo ah musharrax madaxbanaan.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ololahiisa ugu dambeeyay ku maraya gobollada dalka Jabuuti ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Dikhil.

Sababtana wuxuu sheegay in uu Dikhil siiyo fursad isla markaana Dikhil uu laf dhabar u yahay dhaqaalaha dalka.

Halka Zakariye Ismaaciil Faarax maalmihi u dambeeyey wuxuu iisu soo baxyadiisa ololaha doorashada ka soo muuqanayay isaga oo afka iyo gacmaha soo xidhay.

Isaga oo astaantaasi ku muujinayay Jabuuti inay xorriyad ka jirin walow uu diiday inuu warbaahinta la hadlo.

Waxaana astaanta uu soo bandhigay musharrax Zakariye ka jawaabay Alexisi Maxamed oo xisbiga haya talada Jabuuti qaabilsan xidhiidhka arrimaha dibadda.

Wuxuu sheegay in musharrax Zakariye uu inkirayo dimuqraadiyadda ka jirta Jabuuti.

Madaxweyne Geelle waa markii shanaad ee uu isku soo taago xilka madaxtinimada Jabuuti.

Waxaanu xilkan markii ugu horreysay loo doortay 9 bishii April ee sanadkii 1999-kii, waxaana uu xukunka hayaa muddo 22 sano ah.

Mucaaradka Jabuuti ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweynaha Jabuuti inuu ku shubtay doorashooyinkii hore ee ka dhacay dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here