Wiil Soomaali Ah oo Lagu Dilay Dalka Canada

0
969

Toronto (Hargeisa Press) โ€“ Wiilkan Soomaaliga ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahiย  21 sano jir ahaa ayaa lagu waramayaa in rasaas lagu furay isaga iyo Nin kale oo ay wada socdeen oo marayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett magaalada Toronto ee dalka canada, iyagoo watay gaadhi, galabnmadii Sabtida,

Saraakiisha Booliiska dalkaasi Canada oo dhacdadan lagu dilay Wiilka Soomaaliga ah ka hadlay ayaa sheegay in ay shaki badan ka qabaan in weerarkan ay gaysteen laba qof oo madow ah

Marka laga soo tago dhimashada wiilka Soomaaliga ah sidoo kale waxaa weerarka ama rasaasta ku dhaawacmay qofkii kale ee la socday.

Booliiska oo durbaba baadhitaan sameeyay ayaa sheegay in ay eedeysanayaasha ay goobta ka baxsadeen, laakiin waxay sheegeeni in ay gacanta ku dhigeen gaadhigii ay wateen iyo laba bastooladood oo ay ka carareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here