Nuxurka 11 Qodob Oo Ay Somaliland Iyo Khaatumo Magaalada Addis Ababa Iskula Qaateen + SAWIRRO

0
1167

ADDIS ABABA, Ethiopia (HargeisaPress) —Waxa war-murtiyeed laga soo saaray wada hadalo maalmo u socday dawladda Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

War-murtiyeedka oo ka kooban 11 qodob, waxa Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, halka uu Khaatumo u saxeexay guddoomiyaha weftiga Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

War-murtiyeedka oo laga soo saaray ayaa u qornaa sidan “Waxa 17-kii bisha Diiseembar 2016 ka bilaabmay magaalada Addis-Ababa ee itoobiya shir ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Khaatumo. Shirkaas oo ku bilaabmay kuna dhamaaday jawi wanaagsan iyo niyad sami.

Shirka waxa la isla gartay

1. In wada hadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira

2. In wixii fadqalallo iyo dacaayad gudaheena ah in la joojiyo meelna looga soo wada jeedsado

3. In meel looga soo wada jeesto wixii gacan saddexaad ah ee fara gelin ku samayn kara intay wada hadalladu socdaan

4. In laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba

5. In laga wada shaqeeyo xoojinta nabad-gelyada

6. In Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool iyo deegaanada Sanaaga bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyadoo la tixgalinayo mar walba baahida iyo xaaladda nabad-gelyo siday tahay

7. In aan la qorin ciidamo beeleedyo cusub intay wada hadalladu socdaan

8. In maamul daadejin la sameeyo taabanaysa dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha, maamulka, arrimaha bulshada iyo nabad-gelyada

9. In wada jir looga hawl-galo sidii mashaariic waaweyn oo horumarineed looga hirgelin lahaa gobolladaas

10. In la iska kaashado  sidii gargaar loogu raadin lahaa loona gaadhsiin lahaa dadka ku tabaaloobay abaaraha

11. In Hay’adaha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa Qaramada midoobay ka hawl galaan kana qaadaan xayiraadda gobolladaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here