Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida laba Marxuum

0
1135

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi (Riwaaye) oo ku geeriyooday magaalada Burco 21-kii bishan December ee sannadka 2016 iyo Marxuumad Shamis Aadan Dabey oo iyaduna ku geeriyootay magaalada Burco 20/12/2016.

Guddoomiyuhu waxa ku tilmaamay Marxuum Suldaan Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi oday dhaqameed taariikh wanaagsan kaga taday dalkiisa iyo dadkiisa oo uu in badan ka shaqeeyey dib-u-dhiskiisa iyo nabaddiisaba. Waxa kaloo Guddoomiyuhu uu geerida Marxuumad Shamis Aadan uga tacsiyadaynayaa Axmed Saleebaan Cawad oo marxuumaddu hooyadii ahayd, isla markaana ka mid ah xisbiga KULMIYE oo uu ilaa aasaaskiisii ka soo tirsanaa.

Guddoomiyuhu waxa uu labada Marxuum Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here