Golaha Wasiirada Somaliland Oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2017-Ka Iyo Qadarka Miisaaniyada La Ansixiyay

0
1249

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan$ 362,517,393.

Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.

Miisaaniyaddani waa MiisaaniyaddiiΒ 25aadΒ ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. BoqolkiibaΒ 27.5%.

Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:

No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
  Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here