Nin Habraday Hal Howraartiisa Waa Lagu Habaabaaye Hanti Ururso Mooyee Ninkaa Hawli Uba Baaqan Ma Hoosaasinta Ina Biixibaa Hirasho Moodeen

0
1262

Nin Habraday Hal Howraartiisa Waa Lagu Habaabaaye Hanti Ururso Mooyee Ninkaa Hawli Uba Baaqan Ma Hoosaasinta Ina Biixibaa Hirasho Moodeen Muuse Biixi Cabdi Faras wuxuu ka mid yahay kuwa loo adeegsedey majara habaabinta qaranimada JSL kacaan beeleedka Axmed Siilaanyo ee dalka qabsaday siday, Muuse Biixi u isticmaaleen waa qaab gumeysi Muuse Biixi kuma jiro kuwa ay taladu ka go’do oo kuwaasi waa beel ku soo go’aansatay degmada Gar adag laakiin wuxuu ka mid yahay kuwa sawirka lala galo ka dibna inta yar ee lacagta ah loo tuuro, waana laaluush qaataha ugu weyn intaan dad aqaano, waxaan rumeysanahay inaanu Muuse jecleyn Axmed Siilaanyo iyo inta ku hareereysan hase uu ku habaranayo ereyada lagu yidhaahdo, sababtoo ah waxa la ogyahay Muuse inuu jecelyahay mansabka iyo lacagta sidaa awgeed ayaa loogu yidhaahdaa meelaanad weligaa gaadheen ayaanu ku geyney, Habar Awal oo dhan ayaanu kaa saraysiiney, markaasuu sidii cidi haysan jirtey ama laga xoreeyey u dhaqmaa, ka dibna intaas ayuu ku qancaa waxoogaa lacagana wuu iska qaadanayaa. Waxaan xusuusanahay sanadkii 2009-kii habeen uu Axmed Siilaanyo ku yidhi ku xigeen ayaan kaa dhiganayaa orodoo ka soo dhamayso tolkaa, oo uu sidii noola yimi markaanu ku nidhi m/weyne ku xigeen uuma noqon kartid oo sharciga dalka u yaala ayaan ogolaaneyn iney laba qof oo beel kasoo wada jeedaa isku noqdaan m/weyne iyo ku xigeen aad iyo aad ayuu noogu xanaaqay manuu fahmin dantuu Axmed Siilaanyo uu ka lahaa waxaynu u soo wada joogney Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inuu isku taagi doono murashax nimada m/weynaha gudaha xisbiga kulmiye wixii ka dhacay waynu ogeyn, xataa waxa lagu shaambadeeyey inuu ahaa ninkii shaanida qarxin jirey, oo aanu ilaa maanta gees iskaga duwin dhawr cisho ka dib ayuu hadlay, oo uu yidhi waan ka noqdey murashax nimadii halkaasna kuwii dad ugu dhawaa ayaa kaga dhaqaaqay xiligii marxuum Cigaal, Muuse Biixi intuu ka dhigey wasiirka arimaha gudaha ayuu hadana u adeegsedey bur burintii qoladii la odhan jirey calan cas, waxaan goob joog u ahaa isku dhacii Muuse iyo saaxiibadii kuwii ugu dhawaa AHN Dayib Gurey, Quule, Maxamuud Cabdi Shide, markii dambena wuxuu ahaa wasiirkii labada jeer la eryey imikana axmed siilaanyo u adeegsadey khaarejintii Cabdiraxmaan Aw cali.Ibraahim dhega weyne Maxamed Xaaji maxamuud Cabdiraxmaan cabdi qaadir. Maxamed iskeerse. Samaale.Abiib tima cade.Maxamed Xaashi cilmi Jidhif .iyo rag kaloo fara badan imikana sida la sheegey wuxuu ku jiraa hawsha Maxamed biixi intaasiba waa intii dad ugu dambeysey hase yeeshee dhaqan kale ayuu leeyahay oo kolba qof cusub oo aan aqoon ayuu sameystaa dadkana wuxuu uugu neceb yahay qofka yaqaana intaas hadaan ka gudbo muuse biixi cabdi faras maanta wuxuu ku sawiran yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye wax awoodana kuma laha oo maalmihii sedexda xisbi wada hadalku u socdey waakii go aan qaadan kari waayey ee kula noqonayey qasriga m/tooyada iyo cidii taladu ka go aysey waxaan ku soo xidhayaa qoraalka muuse biixi cabdi faras maaha nin hankiisu m/weyne gaadhey waana nin nabaro badani ku yaalaan sidaas awgeed Muuse Biixi waxa qudha ee u banaani waxay noqotey kaalay oo u jawaab Cirro, Jamaal, Faysal iyo Madasha lacagtana hoo

 

Qalinkii: Cali Cismaan Libaax( Mujaahid Cali Xaraaro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here