Xeer-ilaaliyaha Guud ee Midowga Yurub oo Shaacisay in Dagaalyahanno Daacish ah ku Dhex Dhuuntaan Tahriibayaasha

0
1347

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ururka Midowga Yurub Ms. Michele Consinsx, ayaa shaacisay inay heshay xogo la xidhiidha in dagaalyahanno badan oo ka mid ah kooxda dawladda Islaamiga ee Suuriya iyo Ciraaq (ISIS) ay ku dhex dhuuntaan tahriibayaasha ku qulqulaya dalalka qaaradda Yurub, taasoo ay ku tilmaantay khatar muuqata oo dhinaca ammaanka ah.

Xeer-ilaaliyaha Guud oo la hadashay saxaafadda shalay, ayaa sheegtay in kooxda ISIS ama Daacish ay si badheedh ah dagaalyahanno u raaciyaan tahriibayaasha ka gudba badweynta Midhitaraaniyaanka (Mediterranean Sea), una tallaaba dhinaca qaaradda Yurub, kuwaasoo loogu talogalay inay fuliyaan weeraror kala duwan oo isugu jira qaar argagixiso iyo dambiyo lagu galo dhinaca kombutuutarka (cybercrime).

“Waxaan xaqiijinayaa in aannu helnay macluumaad sirdoon oo muujinaya in dagaalyannno halis ah lagu dhex daro tahriibayaasha nolosha u raadsada dalalka Yurub, arrintaasna waannu ku daba jirnaa,” ayey tidhi haweenayda la yidhaa Michele Coninsx oo Jamhuuriya soo xigtay hadalka ay siisay saxaafadda reer galbeedka.

Waxa kaloo ay tibaaxday in kooxda ISIS sidoo kale dhaqaale ka helaan dadka dambiileyaasha ah oo ka ganacsada tahriibinta, waxayna tidhi; “Waannu daba soconaynnaa dadka dambiilayaasha ah. Waxa kaloo aannu daba soconnaa lacagaha aan xalaasha ahayn, arrintuna waa mid khatar ah oo sii kordhaysa, maxaa yeelay waxaannu si cad u ognahay in qolooyinka wax tahriibiyaa lacagta iyo dhaqaalahooda ku caawiyaan mararka qaarkood kooxaha argagixasada, iyagoo weliba kuwa wax tahriibiyaa xidhiidh fiican la leh saraakiil ka tirsan ISISI, taasina waa mid khatarteeda leh.”

Tahriibta-iyo-Yurub

Warbixinno kala duwan oo la soo saaray ayaa lagu sheegay in tirada muhaajiriintu aad u kordheen sannadkan lagu jiro ee 2015, waxana badweynta laga badbaadiyey in ka badan 70 kun qof oo ah tahriibayaal u badan yihiin dalalka woqooyiga Afrika, bariga dhexe, gaar ahaan Suuriya iyo guud ahaan qaaradda Afrika, kuwaasoo safar nolol-raadis ah ugu gudba qaaradda Yurub.

Kooxda ISIS ayaa la sheegay inay inta badan gacanta ku hayso magaalooyinka ku yaal xeebaha dalka Liibiya oo ah goobaha ugu badan ee laga raro dadka tahriibayaasha ah, gaar ahaan magaalada xeebta ah ee la yidhaah Sirte, waxayna arrintaasi cabsi iyo wallaac xoog leh ku beertay dalalka Yurub oo ka cabsi qaba in dagaalyannada ISIS ee ku dhex dhuunta tahriibayaashu ay halis geliyaan ammaanka dalalka qaaradda Yurub.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY