“Nabadgeliyadda iyo wanaaga dalkeena ka jiraa dhalinyaradda ha u muuqdo dadkii”…

0
515

Hargaysa (HP): Wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta biyaha ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa ka dareen celiyay xilka cusub ee uu shalay u magacaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu tilmaamay in xilku uu yahay masuuliyad culus, isla markaana wixii awoodiisa aanu waxba ka hagran doonin oo uu si wanaagsan oo cadaalad ah ugu shaqayn doono qaranka iyo bulshadaba.

Waxa kaloo uu wasiirku sheegay in xilka iyo masuuliyadu aanay ahayn mid uu shaqsi keliyahi wax ka qaban karo am aka bedeli karo, balse ay ku xidhan tahay hadba sida ay u wada shaqeeyaan haayadaha kale ee dawladu.

Wasiir Cali-Mareexaan, oo u waramay Sahan TV ayaa ka warbixiyay waxyaabaha laga filan karo iyo sida uu u arko xilka wasiirnimo ee loo magacaabay iyo sidoo kale fariin uu bulshadda reer Somaliland u diray.

Geesta kale Cali Xasan Maxamed (Cali-mareexaan), ayaa hore xil wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale waxa uu muddo dheer ka tirsanaa golaha Wakiiladda Somaliland.

Cali-Mareexaan, oo la waydiiyay waxa uu xilkan cusubi kaga duwan yahay xilalkii hore waxa uu sheegay in aanu waxba kaga duwanayn xilkii wasiirnimo ee uu hore Somaliland uga soo qabtay.

Dhinaca kale wasiirka cusub ee wasaaradda biyaha Somaliland ayaa fariin u diray dhalinyaradda Somaliland oo uu ugu baaqay in ay nabadgeliyadda iyo qarannimadoodaba ilaaliyaan.

 

DAWO: Wasiirka Biyaha Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here