Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Oo Tababar U Soo Xidhay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda

0
442

Hargaysa (HP): Tababar muddo laba maalmood ah u socday xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha ayaa shalay la soo gebagabeeyay.

Tababarkaasi ayaa mudadii uu socday waxaa xildhibaanadda lagu barayay qodobadda dastuurka Somaliland iyo sidoo kale shuruucda iyo xeerarka kale ee ka farcama dastuurka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay tababarkaasi iyo casharradii lagu bixinayay mudadii uu socday.

Waxaanu sheegay wasiirku in dhibaatooyinka dalkeenna ka jira ee dhinaca dastuurka iyo shuruucda ay ka mid tahay in abuuritsa haayadaha iyo wasaarradaha dawladda iyo curinta shuruucdu ay kala horeeyaan.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu tilmaamay in xeerar badan oo muhiim ah sida xeerka Baddaha, ka hawadda iyo xeerar kaleba aan weli la curinin, isla markaana ay yihiin kuwo aynu baahi weyn u qabno.

Wasiirku waxa uu ku taliyay si looga baxo baahidda xeerarka muhiimka ah ee maqan in loo baahan yahay in dedaal dheeraad ah la sameeyo, iyadoo ay is kaashanayaan goleyaasha sharci dejinta iyo haayadaha kale ee dawladu.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here