Laascaanood: Dufcadii Saddexaad Ee Gabdhaha Shaqo Qaran Oo Shahaadooyin La Guddoonsiiyay

0
507

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka, ayaa tababar u soo xidhay dufcadii saddexaad ee Gabdhaha dhamaystay tababarka waxbarashadda madaniga ah ee gobolka Sool.

Xidhitaanka tababarka gabdhahaasi waxaa guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran ku wehelinayay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maamulka degmadda Laascaanood iyo masuuliyiin kale.

Gabdhahan tababarka loo soo xidhay ayaa noqonaya dufcadii saddexaad ee hablaha barnaamijka shaqo qaran, kuwaasoo dhamaystay tababarkii waxbarashadda madaniga ah (Civid Education).

Maxamed Xuseen Mu’adinka, oo shahaadooyin guddoonsiiyay gabdhahaasi ayaa kula dar-daarmay in ay si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan qarankoodda tacabka badan soo geliyay.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijka shaqo qaran oo uu curintiisa lahaa madaxweynaha Somaliland inuu yahay mid si weyn dhalinyaradu ugu faa’iiday.

Waxaanu tilmaamay badhasaabku in dhalinyaradii ka soo af-laxay  barnaamijka shaqo qaran ay xilal sare oo kala duwan ka hayaan dawladda.

Waxaanu yidhi, “Waan uga mahad celinayaa madaxwaynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi, oo himiladiisa lahaa barnaamijka shaqo Qaran, himiladaasina waxay noqotay mid ay ku tanaadan dhalinayarada reer Somaliland.

Waxaana loogu tallo galay in Dhalinyarada aqoon yahanka ah, in laagu sameeyo shaqo abuur, kani oo ardaydii ka baxday shaqo Qaran ay qaar kood noqdeen maayarrada Degmooyinka dalka qaarkood, Sarkiil Ciidan, Isu-duweyaal gobol iyo kumanaan ka shaqeeya xafiisyadda qaranka  JSL.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa si weyn ugu mahad celiyay guddoomiyaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka, oo safar dheer u soo galay inuu kala qayb gallo xafladda loo sameeyay gabdhaha Sool  ee dhamaystay tababarka waxbarashadda madaniga ah.

“Sidoo kale waan u mahad celinayaa Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran oo safar dheer u soo maray sidii uu ardayda ugala qayb gali lahaa xidhitaanka tababarka Waxabarshada Madaniga ah” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Ugu danbayn badhasaabka Sool ayaa gabdhaha dhamaystay tababarkaasi kula dar-daarmay in ay si daacad, hufnaan iyo hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan dalkooda, isla markaana ay gudaan xaqa lagu leeyahay.

“Ugu dambayntii Hablaha Shaqo Qaran ee Ducadii Saddexaad, waxaan kula dar-darmayaa in ay gudaan xaqa lagu leeyahay oo ah in ay  si daacad, hufnaan iyo hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan dalkooda, bulshadooda iyo qarankoodaba” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY