Muwaadiniin Ku Xayirnaa Dalka Turkiga oo Lagu Soo Celiyay Hargeysa

0
1285

Hargeisa (Hargeisa Press)- Muwaadiniintan Soomaalida ah oo billihii ugu dambeeyay ku xayirnaa dalka Turkiga ayaa maanta gelinkii dambe soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Dadkan oo 95 qof gaadhaya ayaa waxay la socdeen diyaaradda Daallo Airlines, oo ka soo qaaday dalkaasi, oo in muddo ahba ay ku xanibnaayeen.

Muwaadiniintan Soomaalida ah ayaa waxay u badan yihiin ganacsato iyo dad eheladooda oo degan dalka Turkiga ku booqday, balse uu saameeyay kala xidh xidhka ka dhashay cudurka COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Muwaadiniintan oo deegaan ahaan ka soo kala jeeda Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa dib u soo celintooda fududeysay Safaaradda Somaliya ee dalkaasi, ka dib markii ay iska diiwaangeliyeen Xarunta Safaaradda.

Ka hor intii aan dalka dib loogu soo celin ayaa waxaa caafimaadkooda lagu hubiyay dalka Turkiga, sida uu xaqiijiyay Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Dr. Aw Koombe), oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda la socday.

Dr. Aw Koombe ayaa Safaaradda Somaliya ee dalka Turkiga ku ammaanay inay si wanaagsan ugala shaqeysay, sidii dalka dib loogu soo celin lahaa, isla-markaana uu taasi gacan ka gaystay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here