Mareykanka oo Digniin Ka Soo Saaray Dibadbaxyada Jabuuti

0
1461

Djibouti (Hargeisa Press)- Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti ayaa ka digtay dibadbaxyo hor leh oo ka dhaca dalkaas.

War saxaafadeed kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay “Mucaaradka Jibuuti waxay ku baaqeen in maanta la qabto dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dowladda Jabuuti, dhawaan mudaaharaadyadii ka dhacay halkaas waxaa si buuxda uga falceliyay laamaha amniga, shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan Jabuuti waxaa lagula talinayaa inay ka fogadaan goobahaas”

Safaaradda waxay sheegtay goobaha ay ka dhici karaan dibadbaxyada, waxaana kamid ah, xaafadda PK12, Xayabalaay, Balbala Caadi, Sheekh Muuse iyo garoonka Guuleed.

Dhawaan Jabuuti waxaa ka dhacay dibadbaxyo lagu dalbanayay in la sii daayo Fu’aad Yuusuf Cali oo hore u ahaa duuliye ka tirsan ciidammada cirka ee Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here