Wufuud Kala Duwan oo Ku Sii Qulqulaya Deegaano Ka Tirsan Buuhoodle iyo Caynaba oo Xiisad Colaadeed Ka Taagan Tahay

0
2090

Buuhoodle (Hargeisa Press) – Deegaanada Ceegaag iyo Horufadhi oo ka kala tirsan Buuhoodle iyo Caynaba oo xiisad colaadeed ka taagnayd ayaa waxaa ku sii qulqulaya wufuud kala duwan.

Madax-dhaqameed, Cuqaal, Culimo iyo waxgarad kala duwan ayaa gaadhey labadan magaalo iyadoo ay labada beelood kala dhex joogaan ciidan gurmad ahaan uga tegey magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faaratoon) ayaa maanta magaalada Laascaanood ka amba bixiyey wefti Cuqaal iyo waxgarad uu hogaaminayo Cabdilaahi Garaad Saleebaan, kuwaas oo ku wajahan Ceegaag, iyadoo halkaasi ay kula kulmi doonaan Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.

Sidoo kale, waxaa deegaanka Horufadhi ku sugan wefti uu uu horkacayo Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Colaadan labada beelood u dhexaysa ayaa ka bilaabantay tuulada Gocondhaale oo kontomeeyo kiilomitir W/Bari Buuhoodle kaga beegan kadib markii dabley hubaysan ay nin ku dileen midna ku dhaawaceen, Dhinaca kalena Buuhoodle laba ay hayb wadaag yihiin kuwii waxyeelada geystey lagu dhaawacay.

Colaada labada beelood oo soo noqnoqtay sanado badan ayaa waxaa ku naf waayay dad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here