Haweenay Lagu Dilay Magaalada Burco iyo Cadho Ka Dhalatay

0
2052
Magaalada Burco
Magaalada Burco

Burco (Hargeisa Press) — Nimco Ibraahim oo ahayd gabadh xoolo la joogtay ayaa lagu dillay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Dilka gabadha xoolaha la joogtay ayaan ilaahada la’ogayn cida ka danbaysay iyo sababta loo dilay.

Nimco oo markii la dilayay la joogtay xayn riyo ah oo ay lahayd ayaa eheladeedu aaminsanyihiin in la dilay kadib markii la kufsaday.

Dilka Haweenaydan ayaa waxaa ka dhashay cadho weyn iyadoona banaan-baxyo lagaga soo horjeedo dilka gabadhaasi ay maanta ka dhaceen magaalada Burco.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Togdheer oo warbaahinta warbixin kasiiyay dhacdadan, ayaa sheegayna in maydka marxuumadu uu ku jirro talaaggada maydka ee cisbitaalka wayn ee Burco isla markaana ay ciidamada boolisku ku hawlanyihiin soo qabashada cidii falkan ka danbaysay.

“Halkaa 27 May ama Samir iyo Imaan loo yaqaano, gabadh baa xalayto lagu dillay, gabbadhaas waxa ku yaala dhawac iyo middiyo, in la kufsaday iyo in kalena waala kala hubinayaa oo dhakhaatiirta aya gacanta ku haysa, waana la baadhayaa, cidii dishayna boolisku way daba socdaan”. ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here