Mucaaradka Soomaaliya Oo Ku Baaqay Banaanbax Ka Dhan ah Farmaajo

0
449

Muqdisho (HP): Midawga mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maalinta Jimcaha ah ee inagu soo aadan ay magaaladda Muqdisho ku qaban doonaan isku soo baxyo ka dhan ah dawladda.

Xubnaha ku bahoobay xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa dhaliilo u jeediyay madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday Maxamed C/laahi Farmaajo.

Waxaana masuuliyiintaasi ka mid ahaa madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo hogaamiyaha xisbiga Wadda Jir C/raxmaan Cabdishakuur.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa dawladda ku eedeeyay in aanay daacad ka ahayn inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca kale dhawaan ayay ahayd markii mucaaradku ay sheegeen in aanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, u aqoonsanayn madaxwaynaha Soomaaliya, maadaama uu dhamaaday muddo xileedkiisii sharciga ahaa ee loo doortay.

DAAWO: SHIRKA JARAA’ID EE MUCAARADKA SOOMAALIYA:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here