Agaasimaha W. Warfaafinta Oo Kulan La Qaatay Isku-duweyaasha Goboladda

0
548

Hargaysa (HP): Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta kulan la qaatay Isuduweyaasha gobolada dalka Ee wasaaradaasi.

Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa ku saabsanaa dar-dargelinta shaqada isuweyaasha gobolada dalka ee wasaaradaas.

Isuduweyaasha wasaaradda waraafinta iyo agaasime waaxeedyadaas ayaa agaasimaha guud warbixino ka siiyay shaqada ay gacanta ku hayaan.

Iyagoo ka xogwaramay shaqada ay goboladaas ka hayaan iyo baahiyaha jira iyo sida ay shaqada la xidhiidha wararka iyo barnaamijyada ay ka soo diraan wariyeyaasha gobolada dalku ay uga baxaan idaacadda Radio Hargeysa, Tv-ga qaranka iyo wargeyska Dawan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa isu-wayaashaas iyo agaasime waaxeedyadaas kulanka ku wehelinayay u sheegay in kulanaasi qayb ka yahay dar-dargelinta iyo horumarinta shaqada ay wasaaraddaasi qaranka u hayso.

Waxaanuu agaasime Maxamed Yuusuf xusay in shaqada la iskula xisaabtami doono, si kor laagu qaado shaqada wasaaradda guud ahaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here