Loolanka Sucuudiga Iyo Qadar ee Somaliya iyo Aqoonsiga Baasaaboorka Somaliland…Warbixin

0
700

HARGEISA—Dawladaha Sucuudiga iyo Qatar ayaa ka dib markii ay jareen xidhiidhkii ka dhaxeeyay waxay isku qadeen dagaalo dublamaasiyadeed.

Warbixin uu daabacay wargeyska Dailly sabah ee ka soo baxa Dalka Turkiga ayaa  sheegay in dawladaha Qatar iyo Sucuudiga ay dagaalkooda dublamaasiyadeed u soo wareejiyeen wadamada Somaliland iyo Somalia, waxaanu soo bandhigay talaabooyinka ay sida dadban iskugu jawaabayaan ee ay qaadeen mudooyinkii ugu dambeeyey.

Wargeyska ayaa sheegay in dawladaha Qatar iyo Sucuudigu ay hada kordhiyeen saamayntii ay ku lahaayeen wadanka soomaaliya, waxaanay warbixinta wargeysku intaas raacisay in soomaaliya oo ay ka jiraan dagaalo sokeeye, faragelin shisheeye, dagaalo la xidhiidha khayraadka iyo abaaro soo noq noqda ay u baahan tahay taageero dhaqaale oo ay horumar kaga samayso dagaalada ay kula jirto kuwa nabada ka soo horjeeda.

Dhinaca kale wargeyska ayaa sheegay in wadankii Soomaaliya la odhan jiray uu haatan noqday somaliland iyo soomaaliya, iyada si gaar ahna warbixintan loogu xusay in maamulka Jubboland uu damacsan yahay inuu ka madax banaanaado xukuumada federaalka ah ee Muqdisho.

HALKAN KA AKHRISATO WARBIXINTAN OO ENGLISH AH.

https://somalilandpress.net/2019/08/24/qatar-saudi-arabia-rift-in-a-new-stage-over-somalia/

 

HargeisaPress News Desk – ISTANBUL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here