Maxkamadda Hargeysa Oo Xukun Ku Riday Dad Lagu Eedeeyay Inay Xadeen Ilmo Yar

0
812

Hargeysa, (HARGEISA —Maxkamadda rafcaanka Hargaysa, ayaa laba qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan iyo Khadra Cabdillaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sannadood  iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley in ay ilmo ka xadeen qoys.

Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya.

Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ku kaliftay in ay ilmaha wataan, balse waxaa la qabaa tuhun ah in uu jiro suuq madoow oo carruurta looga ganacsado, waxaana arrintan sii xoojinaya Guuleed Dafac oo ah madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha oo yidhi “Marka laga qiyaas qaato cabashooyinka dadka ka imanaya, dhoofinta carruurta waa ay badatay, waxayna ku dhacdaa dadka ciyaalka ah ee ka yar 15 jirka, dhibta jirtaa waxaa weeye sharcina noogama degsana, wacyiga dadkana aad ayuu u liitaa”.

Balse taliyaha booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa BBC-da u sheegay in aanay ka warhaynin wax suuq madoow ah oo jira oo carruurta looga ganacsado.

Hooyadii dhashay ilmahan yar ee la xaday ayaa iyadu lafteeda ku baraarugsan suurtogalnimada in ilmaha dalka dibediisa loo dhoofiyo, waxayna muddo bil ah ka raadinaysay meelaha dadka laga tahriibiyo sida Boosaaso oo kale.”Garowe ayaan maray, Boosaaso ayaan tagay, 18 cisho ayaan meel buuro ah ku sugnaa oo aan wiilka ka raadinayay meelaha dadka laga tahriibiyo” ayay tidhi hooyada ilmaha dhashay.

Sida uu sheegayo Aadan Salaad Seed oo ah xeer illaaliyaha dacwadan gacanta ku hayay , ma jiraan xeerar u gaar ah dambigan oo kale oo loo cuskado xukunka, sidaasi darteed ayaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay xukunka dbacsan ee ku dhacay dadkan.

Hooyada dhashay ilmaha ayaan ku qanacsanayn xukunka, waxayna sheegtay in aanay suurtogal ahayn in 2 sano iyo 6 bilood oo kaliya lagu xukumo dad ay sheegtay in ay doonayeen in ay ka ganacsadaan xubnaha jidhka wiilkeeda.

Ma jiraan wax tirakoob ah oo laga hayo carruuraha la xaday, waxaana ugu wacan “waalidiinta oo marka ay ilmaha waayaan, raadiya, kadibna ka quusta, dawladana aanan u sheegin” sida uu sheegay Guuleed Dafac.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here