Itoobiya Oo 19% Ku Yeelaneysa Saamiga Dekedda Berbera Oo Ay Maamusho Shirkadda DP World Ee Imaaraadka

0
1133

DUBAI, (HargeisaPress) —Dowladda Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ku yeelato 19% guud ahaan marka la eego saamiga dekedda Berbera kaddib heshiis ay kala saxiixdeen Khamiistii maanta mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, Somaliland iyo shirkadda DP World.

Heshiiska ayaa dhigaya in shirkadda DP World leedahay saami dhan 51% halka Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay 30% halka inta soo hadhay oo gaadheysa %19 ay leedahay dowlada Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa waxaa ay maal-gelin ku sameyn doontaa wadooyinka gudaha waxaana dhismaha dekeda ay bilaaban doontaa dhamaadka sanadkan.

Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamka Dr.Sacad Cali Shire halka dowlada Ethiopia uu u saxiixay Wasiirka Gaadiidka Ethiopia Axmed Shide iyadoo shirkadda DP world uu u saxiixay Sultan Axmed Bin Salayman Madaxa Shirkadda DP World.

Heshiiska dekeda Berbera ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo dowlada Jabuuti ay ka laabatay heshiis ay shirkadda DP WORLD ku dhiseysay dekeda Dooraale ee dalkeeda.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here