Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Xukun Ku Ridey Sheekh Aadan Sunne +Kiiska Lagu Soo Eedeyey Sheekha Iyo Xukunka Lagu Riday Waxuu Yahay

0
857

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ay maxkamada magaalada hargeysa xukun ku riday sheikh Aadan Sunne oo kamida culimada Somaliland isla markaana muddo saddex bilood ku dhaw ku xidhnaa saldhiga magaalada hargeysa.

 

Waxaana maxkamadu sheikh Aadan sunne ku xukuntay sida naloo sheegay xadhiga ciqaabeed ah hal sanno iyo badh, waxaana sheikh lagu soo eedeeyey kiisaska kala ah sida naloo shegay sameecado laga jarjaray magaalada hargeysa oo ay ka baxeen maxaadiro jihaad ah iyo waliba inuu wax ka sheegay albaab ku yaal xarunta ciidamada Badda magaalada hargeysa oo ku sheegay inay ku yaalaan calaamadaha kiristanku.

 

Xukunka ku dhacay sheikh Aadan Sunne ayaa kusoo beegmaya kadib markii dhagaysiga dacwadiisu muddo ka socotay maxkamada magaalada hargeysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here