“Waan Taageersanahay Aqoonsiga Somaliland” Ra’iisal wasaarahii hore dalka Kenya ahna Guddoomiyaha Xisbiga CORD Ra’ila Odinga

0
786

NAIROBI, Kenya, – Ra’iisal  wasaarahii hore dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay madaxbanaanida Somaliland ka hesho beesha caalamka maadaama ay buuxiyeen dhamaan shuruudihii dawladnimo.

 

Mr. Odinga oo shalay  jeediyay   khudbad  saabsan muhiimada Nidaamka Dimuqraadiyaddu  u leedahay qaarada Afrika ka jeedinayey xarunta Chatham House.

 

“Annigu shaqsiyan si weyn ayaan u taageeraa aqoonsiga Somaliland, waxaan aaminsanahay inay buuxiyeen shuruudIhii ku xidhnaa aqoonsiga.”ayuu yidhi Raila Odinga oo ka hadlay qadiyada madax banaanida Somaliland.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee CORD  dalka Kenya Raila Odinga  waxaa uu noqonayaa masuulkii labaad ee ka tirsan siyaasiyiinta Kenya ee si rasmiya u taageera madax banaanida Somaliland.

 

Raila Odinga waxaa Guddoomiyaha Xisbiga Ugu mucaaridada Badan dalka Kenya waana madaxwaynihii laga guuleystay doorashadii 2007dii ka dhacday dalkaasi ee dhiiga badani ku daatay.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY