Maxkamadda Ciidamadda Somaliland oo Xukuno Dil iyo Xadhig Ah Ku Riday Sadex Askari

0
1209

Hargeisa (Hargeisa Press)- Maxkamadda sare ee ciidamada Qaranka Somaliland ayaa xukunno Dil iyo Xadhig ah ku riday Sadex Rafcaanle oo Ka Tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qaranka Somaliland Gaashaanle Sare Saleebaan Muuse Xasan oo soo gaadhay Warbaahinta Hargeisa Press, rafcaanlayaashan ayay Maxkamaddu ku riday xukunno kala duwan oo iskugu jira dil toogasho ah iyo sannado xabsiyo ah.

Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka Somaliland waxa ay dil toogasho ah ku xukuntay  Maxamed Yaasiin Faarax 30 jir ah horena uga tirsanaa  Ciidanka booliska oo Magaalada Wajaale iyo Magaalo cadd dhexdood ku dilay Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir, iyadoo Maxkamaddu u cuskatay xukunkiisa 434 Xeerka ciqaabta guud iyo Ayaadaha Qur’aanka Kariim.

Sidoo Kale, Maxkamadda Sare ee ciidamada Qaranka JSl waxa ay xukunno midkiiba 11 sanno ah ku xukuntay  Cabdinaasir Maxamed Guuleed oo 48 jir ah iyo cumar Maxamed Cabdi oo 28 jir ah kana tirsanaa ciidanka booliska JSl, kadib markii ay ku cadaatay inay xidhiidh la lahaayeen falkaasi,iyadoo loo cuskaday 244 ee xeerka ciqaabta iyo 104 xeerka ciidamada xilliga nabadda.

Maxkamada sare ee Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in xukunkani hirgalay iyadoo kaga dhawaaqday xarunta Maxkamada ciidamada ee magaalada Hargeysa.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here