Somaliland Oo Shir Caalamiya Kaga Qayb Gashay Dalka Jamhuuriyadda Czech

0
849

Sweden (HP): Wefti ka socday xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan dalka jamhuuriyadda Czech kaga qayb galay shir caalamiya oo ku saabsan arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.

Shirkaasi oo socday muddo lix maalmood ah ayaa Somaliland si rasmiya loogu soo casuumay waxaa ka qayb galay wefti uu hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

Waxaana ku wehelinayay wasiirka maalgashiga, wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, guddoomiyaha rugta ganacsiga, iyo u qayb-sanaha arrimaha ganacsiga ee safaaradda Somaliland ee magaaladda Addis Ababa.

Sida uu sheegay wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, oo maanta gaadhay magaaladda Stockholm ee dalka Sweden.

“Waxaanu ahayn wefti si caadi ah (official) u tegay dalka jamhuuriyadda Jeegga la yidhaahdo, oo muddo lix maalmood ah halkaa ku sugnaa. Waxaanan ka koobnayn anigoo wasiirka ganacsiga ah.

Wasiirka maalgashiga, wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, guddoomiyaha rugta ganacsiga, iyo u qayb-sanaha arrimaha ganacsiga ee safaaradda Somaliland ee magaaladda Addis Ababa.

Hawl fiican ayaana halkaa nooga soo qabsoontay. Muddo lix maalmood ah ayaanan joognay” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Somaliland.

Geesta kale wasiir Saajin, iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland ayaa markii ay maanta gaadheen magaaladda Stockholm ee dalka Sweden, waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladda Stockholm Arlanda jaaliyadda reer Somaliland ee Sweden.

Kuwaasoo uu hogaaminayay xoghayaha guud ee dalladda reer Somaliland ee dalka Sweden iyo xubno kaloo ka mida jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Sweden.

Maxamed Xasan Saajin, wasiirka ganacsiga Somaliland ayaa uga mahad celiyay jaaliyadda reer Somaliland ee magaaladda Stockholm sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Isagoona xusay in u jeedadda socdaalka ay ku tegeen Sweden aanu la xidhiidhin mid shaqo, balse inta ay joogaan ay la kulmi doonaan jaaliyadda reer Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Sida diiran ee Somaliland-nimadda leh, ee aad noo soo dhawayseen, waan idiinka mahad naqaynaa.

Inkastoo aanaan Sweden u iman booqasho rasmiya, hada-na waxaa jooga jaaliyadii reer Somaliland waan is arki doonaa. Insha ALLAAH”.

Dhinaca kale xubno ka mida qurbe joogta reer Somaliland ee wasiirka iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga soo dhaweeyay oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinkoodda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here