Maxay Tahay Khudbadda Uu Madaxweyne Biixi U Jeedinayo Baarlamaanka?

0
432

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Isniinta berito khudbad sannadeedkii dastuuriga ahayd hor jeedin doona baarlamaanka.

Waxaana fadhigaasi wada jir u yeelanaya laba gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda, kaasoo uu shir shir guddoomin doono guddoomiyaha Guurtidda.

Khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah ee uu berito madaxweyne Biixi, ka jeedinayo baarlamaanka ayaa la sheegay in ay muddo-dhaaftay sannadkan.

Geesta kale madaxweyne Bìixi ayaa la filayaa in uu khudbdadiisa kaga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka, safarkiisii Maraykanka, doorashooyinka Somaliland, khasaaraha Suuqa Waaheen, waxqabadka xukuumaddiisa, doorashada madaxtinimada Soomaaliya, xaaladaha siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo qodobbo kale.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here