Soomaaliya: Guddoonka Golaha Shacabka Oo Go’aan Ka Gaadhay Xildhibaannada Gedo

0
374

Muqdisho (HP): Guddoonka Golaha cusub ee Shacabka Soomaaliya, ayaa go’aan aad uga nixiyey Madaxweyne Farmaajo ka gaadhay muran ka taagnaa sharciyadda xildhibaanno iska soo horjeeday oo lagu kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaaray ee Gobolka Gedo.
Qoraal ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ee Soomaaliya maanta, ayaa lagu shaaciyey 16-ka xubnood ee lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin xildhibaannada saxda ah ee Gobolka Gedo u meteli doona Baarlamaanka 11aad.
Guddoonka Golaha ayaa sheegay in ay go’aankooda saldhig uga dhigeen in xildhibaannada doorashadoodu ka dhacday Ceelwaaq lagu soo doortay hab waafaqsan habraaca doorashada ee Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Federaal, isla markaana doorashadooda qabteen Guddida Hirgelinta Doorashada Dadban ee Heer Dawlad-goboleed.
Halka waxba kama jiraan laga dhigay sharciyadda xubnaha lagu soo doortay degmada Garbahaaray oo gacan-saar la leh Madaxweyne Farmaajo oo haatan u muuqda inuu faro madhan ka taagan yahay taageero uu ka helo Baarlamaanka cusub si mar labaad loogu cummaamado xilka madaxweynenimada Soomaaliya ee uu hayey shanta sanno iyo dheeraadka.
Shirguddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa sheegay in xildhibaannada lagu doortay Garbahaaray aanay doorashadooda qaban guddidii doorashada heer dawlad-goboleed oo ay ahayd inay qabato, sidaa awgeedna meesha laga saaray.

Guddoonka Golaha Shacabka, ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay laba qodob oo ay go’aamiyeen oo kala ah:
1. In Xildhibaannada lagu soo doortay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo inay yihiin kuwa sharci ahaan ku matalaya Gobolka Gedo Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, maadaama Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Jubbaland uu furay doorashada, habraaca dorashadoodana ay qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heer Dawlad-goboleed, halka shahaadada rasmiga ah ee xildhibaannimo ay siiyeen Guddiga Hirgalinta Doorshada Dadban ee Heer Federaal, uuna taageerey Ra’iisal-wasaaraha X.F.S oo ah Madaxa Doorshada Dadban ee 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca Xildhibaannada lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
2. Guddoonku wuxuu kula talinayaa dadka walaalaha Gobolka Gedo ee xurgufta siyaasadeed soo kala dhex gashay in ay khilaafkooda wadahadal ku dhammeeyaan, maadaama doorashadii dhammaatay.
Go’aanka Golaha Shacabka ka gaadhay murankii xildhibaannada Gobolka Gedo, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay dhirbaaxo siyaasadeed culus oo god madow ku sii ridi doonta rajadii Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka qabay in markale xilkaas loogu doorto doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee loo qoondeeyey inay Muqdisho ka qabsoonto 15ka bishan May oo ku beegan toddobaad kaddib.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here