Guddoomiyaha Guurtidda Somaliland Oo Beeniyay In Uu Is Casilayo

0
544

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka jawaabay warar maalmahan si weyn la iskula dhex marayay oo lagu sheegay in uu xilka iska casilayo.

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal haynta warkaasi ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana warkaasi uu yahay mid ay abuureen warbaahintu.

Guddoomiye Saleebaan oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta Guurtidda ee Hargaysa ayaa si kooban uga jawaabay arrinkaasi.

Waxaanu sheegay in arrintaasi jawaabteedda looga fadhiyo warbaahinta oo marka hore-ba curinta warkaasi uu ka yimid.

Isagoo arrintaasi ka jawaabayayna waxa uu yidhi, “Qoladiinan warfidiyeyaasha ayuun baan warkaasi ka maqlay iyo jaraa’idkiina.

Anigu waanigan kursigaygii fadhiyee, dee idinka ayaa iga kicinayee, ii warama? Niman goleyaasha ah waan arkay, oo aan is idhi warka idinka ayay idinka keeneen”.

Geesta kale Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu intaas raaciyay in madaxweynaha oo la sheegay in guddoomiyuhu uu is casilaadiisa u gudbiyay aanay waxba ka jirin, isla markaana uu xog ogaal u yahay arrinkaasi.

“Madaxweynuhu-na in uu xog ogaal yahay ayaan filayaa. Markaa cid arrinkaa ila soo qaaday, ma jirto. Idinka ayaanu idinka yimid, idinka ayaanu idinku danbeeyay, ee noo jiheeya”ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here