Abwaan Mukhtaar Xuseen Yey Oo Sahra Halgan Ku Eedeeyay In Ay Bililiqaysteen Maga Kooxdaasi Ee Hidedhawr Oo Uu Xuquuqdiisa Lahaa

0
997
Abwaan Mukhtaar Xuseen Yey
Abwaan Mukhtaar Xuseen Yey

Gabiley , (HargeisaPress) — Abwaan Mukhtaar Xuseen Yey Oo Ka Mid Ah Abwaanada Dhalinyarada Ah Ee Gobolka Gabiley Isla Markaana Ah Gudoomiyaha Ururka Soo Noolaysiinta Hidaha Iyo DHaqanka Ee Hide Dhawr Ayaa Shirjaraaid Oo Ku Qabtay Magaalada Gabiley Ku Duray Fanaanada Sahra Halgan Oo Dhawaan Xarun Kaydin Hide Iyo Dhaqan Oo Ay Ka Furatay Caasimada Somaliland Ee Hargay Ula Magac Baxday Xaruntaasi (HIDE-DHAWR) , Abwaan Mukhtaar Yey Ayaa Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay In Cid Aan La Bixi Karayn Magac Xarun Noocan Oo Kale Ah In Ay Kolka Hore Ku Hamido Furashadiisa  . Waxaanu  Yidhi “ Waxaanu Meel Ka Dhac Xuquuqeed Iyo Boob U Aragnaa Inay Nagula Kacday Fanaanada Weyn Ee Sahra Halgan Oo Dhawaan Xaflad Ku Shaacisay Inay Magacayagii (HIDE-DHAWR) Ula Baxday Xarun Kaydin Hido Iyo Dhaqan  Oo Koox Ay Leedahay Kuna Shaacisay Xaflad Wayn Oo Ay Mas’uuliyiin Badan Isku Yeedhay Wan-Qalkiisii “ .

Mar Wax Laga Waydiiyay Abwaanka In Uu Wax Xidhiidh Ah Kala Sameeyay Fanaanada Sahra Halgan Ee Uu Kaga Cabanayo  In Ay Isticmaashay Magacii Uu Xuquuqdiisa Lahaa Ururka Uu Gudomiyaha Ka Yahay Ayaa Waxa Uu Noogu Jawaabay “  Fanaanadaasi (SAHRA HALGAN) Qadarin Badanoonu  U Haynay Awgeed Ayaanu Isku Daynay Inaanu La Xidhiidhno Intaananu Warbaahinta Kala Hadal Ka Hor SI Aanu Ugala Xaajoono Magacayagii Hide-Dhawr Ee Ay Isticmaashay Waxaananu U Tagnay Si Uu Noola Hadashiiyo Nin Ay Bahwadaag Yihiin , Markii Uu La Hadlayna Ee Uu U Sheegay Waxa Aanu Ka Cabanayno Iyo In Magacan Ay Ka Badasho Xarunteeda Isla Markaana Raali Galin Ka Bixiso Ayaa Aniga Oo Maqlaya Waxa Ay Ugu Jawaabtay “ Iyagu Waa Koox Yar Oo Suugaaneed Isla Markaana Isku Shaqaba Ma Nihin Ana Xaruntaydu Waa Xarun Weyn Oo Kaydin Hide Iyo Dhaqan Markaa Uma Malaynayo In Ay Muhiim Tahay Wax Aan Kala Xidhiidho Kooxdaasi Ama Raali Galin Uga Bixiyo “ .

Waxa Uu Sidoo Kale Abwaan Mukhtaar Yey Yidhi “ Imikiyo Haatana Waxaan Leeyahay Iyadoonu Isku Shaqo Nahay Oo Aad Wada Garan Kartaan Oo Ay Tahay (Ha Igu Garan) Waxaanu Leenahay Fanaanada Sahra Halgan Xafladaadii Daahfuka Ku Noqo Oo Magac Aad Leedahay Ugu Wan Qal Intii Aad Kaayaga Isticmaashayna Raali Galin Ka Bixi  , Iyadooy Haboontahay Tahay Marka Hore In Cidii Aan Magac ULa Bixi Karayn Xarun Hide Iyo Dhaqan Aanay Samayntiisa Hinsin “ .

Gabagabadii Waxa Uu Abwaan Mukhtaar Yidhi “ Waxaanu Sahra Halgan Ka Suganaa Magac Ka Noqosho Iyo Xaal Marin Haday Damaca Ku Sii Adkaysatana Kaga Hadhi Mayno Oo Waxaa Ka Gar Naqi Doona Bahda Qalinlayda “ .

 

 

 

Cabdiraxmaan Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here