Maxaa Hor Taagan Dhaqan galka Heshiiskii Somaliland iyo Kenya?

0
1298

Hargaysa (Hargeisa Press): 15-kii bishii December ee sanadkii tegay ee 2020-ka, dawladaha Somaliland iyo Kenya waxay wada gaadheen heshiis dhawr qodob ka koobnaa.

Kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti uu hogaaminayay ay booqasho ku tegeen dalka Kenya, oo uu ka helay marti qaad rasmiya.

Waxaana jirtay in ay kulan wada yeesheen madaxweyneyaasha Kenya Uhuro Kenyatta  iyo Somaliland Muuse Biixi.

Kulankaas kadib waxaa la shaaciyay in ay labadda wadan ay wada gaadheen heshiis ka koobnaa dhawr qoqob, oo ay ka mid ahaayeen in dawladda Kenya ay safaarad ama xafiis diblomaasiyadeed ka furato magaaladda Hargaysa.

Waxa kaloo heshiiskaasi ka mid ahaa in diyaaradaha Kenyan airways ay duulimaadyo toos ah ka bilaabaan Somaliland.

Waxay labada madaxweyne ugu dambeyn amar ku siiyeen masuuliyiinta xafiisyadooda inay hirgaliyaan shan qodob oo ay isla meel dhigeen, kuwaas oo kala ah:

. Xoojinta wadaxiriirka shacabka labada waddan (Kenya iyo Jamhuuriyadda Somaliland).

. Sare u qaadista is-dhexgalka, ganacsiga iyo maalgashiga

. Adkeynta wadashaqaynta dhinaca amniga iyo isla wadaagidda xogaha sirdoonka si wax looga qabto falalka argagixisada, budhcadnimada internet-ka iyo dambiyada ay ku kacaan kooxaha laga soo abaabulo dibadda

. Xoojinta wadashaqaynta ku aadan arrimo kala duwan, oo ay ku jiraan horumarinta Beeraha, Xoolaha nool, Waxbarashada, Tamarta iyo gaadiidka

. Samaynta tababarro iyo dhisitaanka xirfadaha bulshada.

Geesta kale, sida ku xusnayd war murtiyeedka wada jir ahaa oo labada hoggaamiye ee ku kulmay 15-kii bishii December magaaladda Nairobi waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqyo, si loo muujiyo saamaynta wadashaqaynta.

 

. In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaaladda Hargaysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka.

Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarinaysaa hawlaha xafiiskeeda Nairobi.

. In shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah, oo isaga kala gooshaya Nairobi iyo Hargaysa meeshii loo gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

. In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda la soo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya, marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

. In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo iswaydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

Dhinaca kale, Hirgalinta qodobadaasi ayaa dhamaantoodba ku beegnaa bishii March ee dhamaatay, sida uu dhigayay heshiiskaasi.

Laakiin, ilaa hadda weli ma jiraan wax ka hirgalay heshiisyadaasi oo la shaaciyay. Iyadoo ay dhamaatay bishii March ee la qorsheeyay in qodobaddii heshiiskaasi ku jiray ay dhaqan galaan.

Sidoo kalena ma jirto wax lagu sababeeyay hirgelid la’aanta heshiiskaasi oo ka soo baxay dhinaca dawladaha Somaliland ama Kenya.

Waxaa muuqata in heshiiskaasi aanay dawladda Kenya  daacad ka ahayn, isla markaana ay uga dan lahayd arrimo siyaasadeed ayna ku xumaynaysay dawladda federaalka Soomaaliya oo uu ka dhexeeyo khilaaf dhinacyadda Badda iyo Beerigaba ah.

Balse aanay daacad ka ahayn in ay si buuxda u hrigeliso heshiiskaasi ay la gashay Somaliland, isla markaana ay la sugaysay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca Soomaaliya.

Maadaama oo la filayay in ay doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya horaantii sanadkan 2021-ka.

Sidaas darteedna uu qorshaha Kenya ahaa in haddii uu mar labaad doorashooyinkaasi ku guulaysan waayo madaxweyne Farmaajo, in ay dhinac kale uga wareegto.

Hase yeeshee, sababta aanay weli u hirgelin heshiiskii ay Somaliland la gashay Kenya ay tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo aanay wax iska bedelin.

Marka laga reebo murankii dhinaca Badda ee kala dhexeeyay Soomaaliya oo ay Kenya diiday in ay tagto dhegaysigii kama danbaysta ahaa ee dacwadii arrintaasi oo qaadaysay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ badhtamihii bishii ina dhaaftau ee March.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.