Guddida Doorashooyinka oo Kulan La-Yeeshay Madaxweyne Biixi, Xisbiyadda iyo Ururadda Siyaasadda

0
1534

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi, iyo madaxda xisbiyadda, iyo ururadda siyaasadda ee Somaliland.

Kulamadaasi oo ay xubnaha komishanka doorashooyinku masuuliyiintaasi kala duwan xarumahoodda kula yeesheen, ayaanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay oo la xidhiidha u jeedadda kulamadaasi iyo arrimihii lagaga wadda hadlay.

Hase yeeshee sida ay sheegeen warar xog ogaal ah oo aanu helnay kulamadan ay komishanka doorashooyinku maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyo sidoo kale madaxda xisbiyadda, iyo ururadda siyaasadda ayaa sheegaya in ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha doorashooyinka.

Kulamadani waxa kaloo qayb ka ahaa xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland oo iyagu metelayay dhinaca xisbiga Kulmiye, isla markaana goob joog ka ahaa kulanka ay komishanku la yeesheen madaxweyne Biixi.

Kadib markii uu shalay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali Axmed, komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland dib ugu celiyay waraaq codsi ahayd oo ay kaga dalbanayeen in maxkamadda sare ay tafsiir sharci ka soo bixiso mida soo horaynaysa doorashooyinka madaxtooyadda, iyo ta ururadda siyaasadda.

Geesta kale, shalay ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay kulan la yeesheen Shir-guddoonka labadda gole Baarlamaanka ee Guurtidda, iyo wakiiladda, iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada JSL.

Sidoo kale, ma jirin war rasmi ah oo kulankaasi shalay laga soo saaray, inkastoo xubno shir-guddoonka ka mid ah ay warbaahinta u sheegeen in ay ka wada hadleen arrimo khuseeya doorashooyinka.

Dhinaca kale, waxaa uu weli muran ka taagan yahay midka soo horaynaysa labadda doorasho ee madaxtooyadda, iyo ta ururadda siyaasadda, iyadoona la sheegay in madaxweyne Biixi, uu ku adkaysanayo in la soo horaysiiyo doorashadda ururadda siyaasadda.

Iyadoo na qorshahaasi ay ku taageersan yihiin madaxda iyo hogaanka ururadda siyaasadda ee dhawaan soo baxay.

Halka madaxda labadda xisbi mucaarad ee UCID, iyo Waddani ay iyagu ku doodayaan ama ay doonayaan in la hor qabto doorashadda madaxtooyadda.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan soo kala horaysiinta labadda doorasho ayaa khilaaf ka dhex abuurtay isla komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, kuwaasoo la sheegay in ay laba garab ugu kala jabeen arrintaasi.

Iyadoo na garab ka mid ah uu taageersan yahay ama uu doonayo in la hor qabto doorashadda madaxtooyadda, halka garabka kalena ay ku doodayaan in la so horaysiiyo doorashadda ururadda siyaasadda.

Taasoo ahayd sababta keentay in ay warqada codsiga ah u gudbiyaan maxkamadda sare ee dastuuriga ah si ay tafsiir sharci arrintaasi uga soo bixi, balse shalay ayaa maxkamadda sare ay go’aan ka gaadhista arrinkaasi dib ugu celisay komishanka doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here