Mashaariicda Horumarineed Ee Gobolka Sool Laga Fuliyay Sanadkii 2019-ka Qaybtii 2aad

0
877

“Caafimaadka biyaha, shaqo abuurka dhalinyaradda, bandhigii buugaagta, ciyaaraha, dib-u-dejinta barokaceyaasha, ilaalinta iyo”….

Laascaanood (HP): Qaybtan oo ah qaybtii labaad ee warbixinaha ku saabsan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay gobolka Sool sanadkii dhamaaday ee 2019-ka, waxaynu ku soo qaadan doonaa mashaariicda dhinaca caafimaadka, biyaha, tiradda ceel biyood-yadda la qoday, kuwa la dayactiray.

Bandhigii buugaagta Laascaanood, dib-u-dejin loo sameeyay in ka badan 2000 oo qoysas barokaceyaal ah, shaqo abuurka dhalinyaradda, daryeelka degaanka iyo la dagaalanka xaalufka iyo Dhuxulaysiga, is-dhex galka dhalinayradda iyo ciyaaraha.

CAAFIMAADKA:

Horumar la taaban karro ayaa laga sameeyay dhinaca adeega caafimaadka ee guud ahaanba gobolka Sool. Waxaana la furay todoba xarumo caafimaad, kuwaasoo ayka mid yihiin qaybo loogu adeegayo xanaanaynta hooyadda iyo dhalaanka.

Degaamadda laga hirgeliyay xarumahaasi caafimaad waxaa ka mida tuullo Sama-kaab, Shululux, Qabri Bayax, Kabaalka Xergagga, Karin-Dabayl Weyn iyo Qorriley. Waxaana la dhamaystiray MCH-ka magaaladda Adhi Cadeeye.

Sidoo kale waxaa la sameeyay kooxo gurmadka caafimaadka ah oo wareega, kuwaasoo taga dhulka Baadiyaha ah ee fog-fog, degaamadda dadka reer Guurraaga ah ay degan yihiin. Sidoo kale xeryaha ay dadka barokaceyaasha ahi degan yihiin ayaa la gaadhsiiyay adeeg caafimaad.

Degaamadda qaarkood ayaa laga hirgeliyay xarumo caafimaad oo cusub, kuwaasoo ay ka hawl gelayaan shaqaale xirfadda caafimaadka bartay.

Cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood waxaa sanadkii 2019-ka markii u horaysay uu bixiyay adeeg caafimaad oo bilaash ah, qaybta nafaqadda carruurta iyo qaybta dhalmadda hooyadda uurka leh, ayaa si lacag la’aan ah loogu adeegaa.

Iyadoo guud ahaanba cusbitaalka Laascaanood uu habeen iyo maalinba shaqeeyo, isla markaana ay heegan ku yihiin shaqaale xirfadleyaal caafimaad oo kala duwan.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Jiidhe, ayaa ka warbixinaya horumarka dhinaca caafimaadka ee gobolka ka hirgalay sanadkii tegay ee 2019-ka.

Waxaanu yidhi, “Dhinaca caafimaadka haddii aan ka hadlo, waxaa muuqata in maanta adeegyadda caafimaadka uu gobolku horumar balaadhan ku tallaabsaday. Waxaana ka mid ah in hay’adda MSF ee dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ay cusbitaalka guud ee Laascaanood la wareegtay, oo ay gacanta ku haysa, oo saddex qaybood ay ku sii bilawday shaqadda.

Qaybta Umusha, nafaqo celinta iyo gar-gaarka deg dega ah (Maternity, nutrition-ka and emergency). Saddexdaasi ba waa saddex hal-bawle u ah gobolka, oo haddii gaadhi uu ku gadoomo degaanka, oo dadka dhaawacyo culusi soo gaadhaan.

Markii hore magaalooyinka kale ayaa loola carari jiray. Laakiin, maanta Laascaanood ayaa lagula soo cararayaa, balse lagala sii carari maayo”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Hooyadda Uurka leh, waad og tihiin oo haddii ay qaliin noqoto ama ay dhalmo noqoto ama wax kale, dhibaato badan ayay dadka danyarta ahi ku qabeen. Ninkii heli karaa waa meeshiisee, maanta bilaash ayaa lagu qalayaa.

Caruurta bilaa nafaqadda ah, oo aynu og nahay in abaarro iyo dhibaatooyin kale iyo dad danyar ahi ay degaanka gobolka Sool ka buuxaan, oo barokaceyaal u badan. Waxaa MCH-yo laga furay degaamo fara badan. Adhi Cadeeye MCH-kiisii oo hore u jiray, waa la dhamaystiray, degaanka tuullo Sama-kaab, MCH cusub ayaa laga dhisay.

Degaanka Shululux, degaanka Higlo-Caanood, Karin Dabayl Weyn, intaba MCH-yo cusub ayaa laga sameeyay. Degaanka Qoriley, oo madaxweynuhu toos ugu deeqay, inta kale hay’addo ayaaba naga caawiyee, isagana cusbitaal weyn ayaa imika gacanta laga qaaday oo la dhamaystiray” ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool.

Dhinaca kale isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Maxamuud Xaashi Khaliif, ayaa isna ka warbixiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee barnaamijyadda caafimaadka ee sanadkii 2019-ka laga fuliyay gobolka Sool.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu soo qabanay shaqo badan sanadkii la soo dhaafay ee 2019-ka. Cusbitaalka weyn ee Laascaanood ee la yidhaahdo Referral Hospital-ka, waxaanu ka qabanay waxyaabo badan. Waxaanu u soo saarnay biyo. Waxaanu u qodnay ceel Riig ah, sidoo kale waxaanu keenay mishiinkii biyaha lagu macaanaynayay.

Waxa kaloo aanu saarnay Solar-tii Qoraxda dabka lagaga dhalinayay. Waxaanu hirgelinay hay’adda caalamiga ah ee MSF International oo cusbitaalka ka hawl gashay. Waxaanu qabanay qaybta gar-gaarka deg deg ah iyo qaybta hooyadda iyo dhalaanka iyo qaybta caruurta nafaqo darrada ah (rehabilitation center). Saddexdaas qaybood waxaanu ka dhignay saddexda qaybood, ee ay naga taageerayso hay’adda MSF”.

isu-duwaha wasaaradda caafimaadka Sool, oo hadalka sii watay waxa uu yidhi, “Qaybta hooyadda iyo dhalaanka ayaa qaybta ugu muhiimsan ahayd oo imika hawl gashay.

Waxaanu hirgelinay in hooyadda iyo ilmaheedda marka ay ku umusho cusbitaalka si caadi ah, waxaa loo samaynayaa wixii ay cuni lahayd, daawadeedii iyo kaydkii ilmaha. Intaasi cusbitaalka weyn ee Laascaanood diyaar ayay ku yihiin.

Haddii ay hooyadu dhali waydo, ama qaliin ay ku umusho, waxaanu u hirgelinay mudadda ay cusbitaalka taallo, xataa haddii ay bil noqoto, jiifkeedda iyo daawadeeddda iyo weliba cunto fiican oo dheeli-tiran ayaa loogu diyaariyay cusbitaalka”.

QOYSAS DIB-U-DEJIN LOO SAMEEYAY:

Koonfurta gobolka Sool waxaa dib u dejin loo sameeyay in ka badan 2000 oo qoys. Magaalooyinka qoysaskaasi lagu celiyay waxaa ka mida Dhumay, Dharkayn Geeyo, iyo Daba-taag. Dharkayn Geeyo, 780 qoys ayaa dib loogu celiyay. Sidoo kale Dhumay, waxaa dib loogu celiyay 740 qoys. Halka Daba-taag na dib u dejin loogu sameeyay 495 qoys.

SHAQO ABUURKA DHALINYARADDA GOBOLKA SOOL:

Waxaa la dhiiri geliyay hal-abuurka ganacsi ee dhalinyaradda gobolka Sool ay ku tallaabsadeen. Waxaa kor u qaadis lagu sameeyay aqoonta shaqaalaha dawladda ee heer gobol, waxaana shaqo abuur loo sameeyay 250 qof, sanadkii dhamaaday ee 2019-ka. Kuwaasoo 130 ka mida ay ahaayeen dumar.

Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland waxay wacyigelin balaadhan siisay dhalinyaro fara badan, si looga bad-baadiyo halista Tahriibka oo loo aqoonsaday aafo qaran.

Isu-duwaha wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda ee gobolka Sool ayaa ka warbixinaysa waxyaabihii ay gobolka ka hirgeliyeen sanadkii tegay ee 2019-ka.

“Sanadkan sii dhamaanaya, waxay wasaaradu ka qayb qaadatay habka hubinta nidaamka shaqo qoritsa iyo shaqaalaha la qaadanayo.

Sidoo kale waxaan hubinay tayadda shaqaalaha iyo qaabka loo soo xushay. Anagoo booska ka saarayna musuq maasuqa, taasina waxay dhiiri gelin u noqonaysaa dhalinyaradda gobolka.

Intii aan wasaaradda Sool u joogay oo muddo sanad iyo dheeraad ah, waxaanu shaqo gelinay dad gaadhaya 250 qof. Kuwaasoo 150 ka mida ay dumar yihiin”ayay tidhi isu-duwaha wasaaradda shaqo gelinta ee gobolka Sool.

BIYAHA:

Helitaanka biyo nadiif ah waxay muhiim u yihiin caafimaadka iyo fayo-qabka bulshadda gobolka Sool. Sanadkii tegay ee 2019-ka, xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, 13 ceel biyood ayaa lagu sameeyay dayactir.

Waxaana ceelashaasi lagu rakibay Solar-ta qoraxda laga dhaliyo, taasoo ay dadku kaga maarmeen mishiinadii iyo shiidaalkii oo ay kaga bixi jirtay lacag badan. Shan ceel biyood oo kuwa Riiga ah ayaa la qoday, qaar na dib u habayn ayaa lagu sameeyay. Waxaana lagu rakibay Solar-ta qoraxda dabka lagaga dhaliyo.

Waxa kaloo la sameeyay Haamo biyaha lagu kaydiyo iyo goobo ay ka cabaan dadka reer baadiyaha ah. Laba Bali biyood oo waaweyn ayaa laga qoday gobolka Sool. Sidoo kale laba ceel biyood oo ah kuwa dhaadheer ee uu Riigu qoday sanadkii dhamaaday.

Dadka xoolo dhaqatadda ah iyo dadka kale ee ku nool tuulooyinka degaamadda gobolka Sool ayaa si weyn u soo dhaweeyay qodista ceelashaasi iyo baliyadaasiba.

 

La soco qaybaha danbe…..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here