NRC Oo Qalab Ku Wareejisay Dugsiga Farsamadda Gacanta Hargaysa

0
1013

Hargaysa (HP): Hay’adda NRC ayaa shalay qalab kala duwan ku wareejisay dugsiga barashadda xirfadaha  farsamadda gacanta ee magaaladda Hargaysa.

Munaasibad kooban oo loo sameeyay wareejinta qalabkaasi waxaa ka soo qayb galay maamulka dugsiga farsamadda gacanta Hargaysa, masuuliyiin ka socday wasaaradda waxbarashadda Somaliland iyo masuuliyiin ka socday hay’adda NRC.

Mashruucani oo ay maalgelinayso hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan qoxoontiga ee UNHCR waxaa  fulisay hay’adda NRC.

Maamulaha dugsiga barashadda farsamadda gacanta ee Hargaysa, C/casiis Cige Rayaale, ayaa u mahad celiyay  hay’adda NRC, isagoona sharaxaad ka bixiyay qaybaha uu isugu jiro qalabkani.

Waxaanu yidhi, “Agabkani markii aanu dalbanaynay, anagoo qoranay oo garan la’a meel aan la tagno, ayay wasaaradda waxbarashadu soo jeedisay, iyadoo kaashanaysay hay’adda  NRC. Aad iyo aad baanu labadoodaba ugu mahad naqaynaa.

Waxaanu halkan kula wareegaynaa 11 nooc, oo mid waliba tiradiisa leeyahay. Iyadoo qaarkood ay ka kooban yihiin ilaa dhawr iyo toban qaybood oo mishiino isku nooc ah. Dhamaantoodna waa mishiino ay ardaydu aad ugu baahnaayeen”.

C/casiis Cige Rayaale, waxa kaloo uu sheegay in baahida dugsigu qabo ay intan ka badan tahay, hase yeeshee in qalabkani uu wax weyn ka tari doono, isla markaana ay anfacani doonto ardayda.

“Baahida dugsigu intan way ka badan tahay. Weli na waan rejaynaynaa in waxyaabo kale insha ALLAAHU ay noo yimaadaan.

Laakiin, meel wayn ayay naga dabooli doonaan qalabkani. Baahi fara badan oo markii hore meel aanu kula dhacno aanu la’ayn, wakhtigeedii ayaanay timid.

Waxaanay si gaara u anfaci doontaa, ardayda labadda kuliyadood ee kala ah, qaybta barashadda farsamadda dhismaha, biyo-gelinta iyo jar-jarista Birraha (Civil Engineering and Plumbing and metal fabrication) iyo sidoo kale qaybta ICT-ga”ayuu yidhi C/casiis Cige Rayaale.

Warda Maxamed Cali, oo ah madaxa waaxda hubinta tayadda ee wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo tilmaantay in qalabkaasi uu wax badan ka tari doono baahidii ay ardaydu qabeen.

Waxaanay tidhi, “Wasaarad ahaan farxad weyn bay noo tahay. Qalabkani wuxuu wax ka tari doonaa haba yaraato ama ha badnaatee, arday kastoo goobtan joogaa wuxuu u baahan yahay, qalab uu ku shaqeeyo.

Markaa qalabkani, muhiimad weyn ayuu u leeyahay dugsigani iyo macalimiinta iyo ardayda tababaranaysaba.

Iyadoo hadalka sii wadatayna waxay tidhi, “Waxaan rejaynayaa in ay intani iyo in kaloo ka badan ba, soo kordhin doonaan mashaariicdoodda danbe. Dugsiga, macalimiinta iyo ardayduba waxaan rejaynayaa in ay u isticmaali doonaan sida ugu haboon.

Ardaydu na ay ka faa’iidaysan doonaan qalabkani, isla markaana ay ardaydu ilaalin doonaan qalabkani, maa daama oo uu yahay qalab uu dusgigu iska leeyahay.

Waxaanay ka mid tahay in dugsiyadda qalab la siiyo, in tayadda dugsiyadda kor loo qaado, si ay hadhaw u soo saari karaan wax heerkoodu sareeyo”ayay tidhi Warda Maxamed Cali.

Dhinaca kale waxaa iyagna  halkaasi hadallo  ka jeediyay saraakiil ka socday hay’adda NRC  oo  sheegay in qalabkani uu yahay mid loogu tallo galay ardayda wax ka barata dugsiga barashadda farsamadda gacanta Hargaysa.

Waxaanay sheegeen in mashruucan ay maalgelisay hay’ada qaramadda midoobay u qaabilsan qoxoontiga ee UNHCR, isla markaana ay fulisay hay’ada NRC.

Sarkaal ka socday NRC oo arrimahaas ka hadlayay waxa  uu yidhi,  “Waxaanu dugsiga farsamadda gacanta ee Hargaysa ku wareejinaynaynaa qalabkani kala duwan, oo loogu tallo galay dugsigani.  Waana in la taageero dugsigani, si loo dhiiri geliyo dhalinyaradda waxbaranaysa”.

Mashruucan ayaa ujeedadiisu tahay in xirfado lagu baro ardayda ka soo jeeda qoysaska qoxoontiga ah ee ku suggan Somaliland, si loo baro xirfado ay ku shaqaystaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here