Magacyada Qaar Ka Mid Ah Dhaawaca Iyo Dhimashada Shilka Ka Dhacay Gabiley + SAWIRRO

0
1172

Hargeysa, (HargeisaPress) —Shan iyo toban (15) ruux ayaa ku geeriyooday, sagaal ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii ay gelinkii dambe ee shalay isku dhaceen laba baabuur oo kala ahaa Noah Bus ah iyo gaadhi kale oo Landcruiser ahi, duleedka galbeed ee xarunta gobalka Gabiley ee Gabiley.

 

Shilkaas ayaa ahaa kii ugu xumaa ee muddooyinkan dambe ka dhaca Somaliland, waxaanay labada baabuur oo ka kala yimid laba jiho oo kala duwani ay si kedis ah isugu dhaceen, halkaasna waxa ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dadka geeriyooday ayaa intooda badan lagu aasay deegaanka Gabiley, halka dhaawac  badana loola soo cararay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

 

Wargeyska Geeska Afrika ayaa booqday xarunta cisbitaalka guud ee Hargeysa, si uu uga soo helo magacyada dadka geeriyooday iyo kuwa shilkaas ku dhaawacmay.

Dhaawaca

Dadka shilkaas ku dhaawacmay, oo tiradoodu tahay 9, ayaa waxaanu helnay magacyada 8 ka mid ah, waxaanay kala yihiin

  1. Farxaan Aw Daahir Dugsiiye
  2. Mukhtaar Nuur Qaalib
  3. Muxumed Dugsiiye Madar
  4. Sacad Aw Daahir Dugsiiye
  5. Idiris Cali Jaamac
  6. Khadar Maxamed Cismaan
  7. Samsam Dayib Xasan
  8. Asma Khadar Cabdiraxmaan

Dhimasho

15-ka ruux ee shilkaas ku geeriyooday, ayaa waxaanu helnay 8 ka mid ah magacyadooda, waxaanay kala yihiin.

 

  1. Cabdirashiid aw Daahir Dugsiiye
  2. Sacad Cismaan Cabdillaahi
  3. Muuna Qaasim Xuseen
  4. Sahra Axmed Maal
  5. Cabdiraxmaan Cumar Cali
  6. Cabdirisaaq Xaamud Muuse
  7. Mustafe Nuur
  8. Aniisa Axmed Nuur

Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu tacsi u dirayaa guud ahaan ehelada dadka shilkaas ku geeriyooday, waxaanu Alle caafimaad uga baryayaa inta ku dhaawacantay.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa dadka dhaawaca ah ku booqday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo inta geeriyotay.

 

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna dhaawaca ku booqday cisbitaalka Hargeysa, waxaanu tacsi u diray dadka ay eheladoodu shilkaas ku geeriyoodeen.

 

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal tacsi ah oo uu soo saaray wuxuu Alle uga baryay dadka geeriyooday inuu naxariistii janno ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad siiyo.

 

Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here