Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo Buugaag ku Wareejisay Rugta Kutubta Magaalada Burco + SAWIRRO

0
1112

Burco , (HargeisaPress) — Munaasibad ka dhacday xarunta guud ee naadiga Hal-karaan oo xarunta dhaqanka ee Hargeysa buugaag ku gaadhsiinaysay rugta kutubta ee Magaalaa Burco ayaa waxa ka soo qayb galay mudanta Magaalada Burco,maamulka naadiga Hal-karaan iyo masuuliyiinta xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

ba3a84b1-e92c-4cec-8f24-dd06d11ac721

Munaasibadan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ah Masuuliyiinta xarunta dhaqanka ee Hargeysa isagoo faahfaahin ka bixiyay ujeedada ay xarunta dhaqanka ee Hargeysa safarka ugu soo gashay magaalada Burco.

964674cc-079a-4500-a3d4-02b63be3b1f0

 “Waxaynu halkan u wada joognaa rugta kutubta Hal-karaan,xarunta dhaqanka ee Hargeysa afartii sanno ee ugu dambeeyay waxay waday Maktabada wareegtay ,ujeedada ugu waynina waxay ahayd in meel walba la gaadhsiiyo Maktabad ama dhigane aqoon iyo luuqad  iyo cilmiba xambaarsan,waxaad moodaa in guushii tani ka mid tahay.Faraxad ayay noo tahay in Burco ka mid noqoto magaalooyinka ay maamulkoodu ka rumeeyeen balanqaadkii oo Burco yeelato rug kutubeed”ayuu yidhi Barkhad Maxamuud Kaariye.

e65a75ee-e3fb-4f1f-b74d-736cf5bd22b2

Barkhad Maxamuud Kaariye waxa uu sheegay in xarunta dhaqanka ee Hargeysa iyo naadiga Hal-karaan bilaabi doonaan hawl shaqo oo ay si wada jir ah u qabtaan.

2cecf1c1-9a7c-4ece-9ae5-f5f9691f06c2

Anigoo ku hadlaya afka xarunta dhaqanka ee Hargeysa waxaan balan qaadayaa in Naadiga akhriska ee Hal-karaan iyo xarunta dhaqanka ee Hargeysa labadii biloodba mar wada qaban doonaan hawl shaqo oo wax ku soo kordhinaysa afka iyo dhaqanka,waana mid la wada qorshayn doono”ayuu yidhi Barkhad Maxamuud Kaariye.

44cdafaa-b459-46c8-b7c2-34a14d60f241

Aas-aasaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sharaf u tahay inay xaruntii dhaqanku buugaag ku wareejiso rugta kutubta magaalada Burco.

 

“Dhammaan intaydii Hargeysa ka timid sharaf ayay noo tahay inaanu nimaadno magaalada Burco,laakiin waxa lanagu soo dhawaynayaa inaynu wax aynu wada leenahay qaybsano oo ah  guul wayn oo ah inaynu maanta guri wada leenahay hoos fadhino,aniga”ayuu yidhi Guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa Md Jaamac Muuse Jaamac

d91d0c04-d478-49da-ab19-ff14296f28ed

Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa dhallinyarada UFO oo ahaa Arday wakhtigaasi ka soo horjeedsatay falkii Maxamed Siyaad bare kula kacay shacabka Somaliland ayaa ka hadlay akhriska iyo faa’idadiisa.

 

“Qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay ayuu ka leeyahay fursad ah inuu wax qoro,waxaan idinku dhiiri galinayaa akhriya inta aydaan qorin,Somalidu barigii hore wax may qori jirin ee way gabiyi jirtay,qoraalka iyo gabayguba waxa uu ku wanaagsan yahay hadalka gaaban,wax akhriya dhagaystana,Aabayaashiin dhagaysta iyo hooyooyinkii dhagaysta waxa ku laaban wax badan oo aanay fursad u helin inay qoraan kuwaasi ka faa’idaysta.Anigu buuggan intaan ugu jecelahay waxaan ka qorey edaday oo i soo korisay “ayuu yidhi Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ah dhallinyaradii UFO.

6433a8d8-1062-4818-bfa0-e42e0120db27

Munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay masuuliyiinta Naadiga Hal-karaan,aqoonyahano,Abwaano iyo qoraayo kala duwan oo dhammaantood ka hadlay faa’idada ku jirta wax akhrisa iyo qoraalka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here