Madaxweynuhu Arrinta Ceel-Afweyn Ma Waxey Aheyd Inuu Baaq Nabadeed Ka diro Mise Waxa La Gudboonayd In uu Talaabo Xukuumadeed Iyo Amar Ka Bixiyo FAALLO

0
589
Hargeysa,(HargeisaPress)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shaley kula hadley Warbaahinta Hargeysa ayaa baaq nabadeed u Direy Beelaha halkaa ku Diririya,(CEEL-AFWEYN) iyadoo noqonaysa markii afraad ee Nooceeda ah oo uu baaq Nabadeedd u diro labada dhinac ee Colaada Deegaankaasi u dhaxayso  iyadoo in ka badan lix jeer ay shaqaaqadani soo noqnoqotay mudadii uu talada hayey, taas oo Maalin Walba dhaawaceeda iyo dhimashadeedu joogaan.
Marka si dhab ah hoos loogu eego,Xaqiiqda Colaada Deegaanada Ceel-Afweyn Waxeynu WADA ogsoonahay in Madaxweynaha Talada hayaa Aanu ka xog la,Ayn maadaama Juhdi baddan nabadeyn iyo inta dhiig ku daatey dhamaantoodba uu ka warhayo intan uu hayey xilka(MADAXWEYNUHU), Su, sasha Isweydiinta lihi Waxey Tahey Maku joogsanayaan Baaqa Madaxweynaha Shacabka Colaada Sokeeye u dhaxayso ee Deegaanka Ceel-Afweynl?
Su,sasha Labaad ee isweydiinta lihi Waxey Tahey, Marhadii Madaxweynihii baaq fudud ka direy Colaada beelahani oo Amaro iyo Talaabooyin adagi aaney jirin Ma la is orange karaa ColaadaCerl-Afweyn Waa Mashruuc Xukuumadu ogtahey?.
Mise Waxa jirra Cidd daaha dabadiisa ka hageysa Colaadan haseyeeshee, Aanay Marnaba Xukuumadani Awoodin in ay toos Talaabo uga qaado cida ka Dambeysa Colaadan Sokeeye?.
Runtii halkaa Waxa jirra Darreen Xoog leh oo aaney Somaliland Waligeed soo Marin Nooceedu, Sababtoo ah boqolaalka beelood ee Dega, oo aan Colaad iyo Khilaaf ka dhex Anuurmini majirin, Walise ma dhicin tan oo kale, ee Kitaabkii Eebe iyo Wacadkii intaas oo jeer dhiig laga daba keenay, Miyay istaahishaa in Maanta Madaxweyne Biixi  Baaq ka diro Xaasha,e In aan Qorshe Siyaasadeed jirin ayey inoo cadeysay.
Cabdiraxmaan-hiiraan — Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here