Xukuumadda Somaliland Oo Go’aamo Adag Kasoo SaartayXasaradda Deegaanka Gadhi-gaab Kasoo Cusboonaatay

0
840

Hargeysa,(HargeisaPress)-Xukuumadda Jamhuuriyadda, ayaago’aammo adag kasoo saartay colaadda kasoo cusboonaataydeegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag iyo dhibaatada kusookorodhay dadweynaha deegaankaas ku dhaqan.

Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka iyo XannaanadaXoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga oo maanta si wada-jirah saxaafadda ula hadlay, ayaa digniin culus u diray bulshada kudhaqan deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in haatan wixii ka dambeeya  xukuumaddugudan doonto waajibka ka saaran ilaalinta nabadda iyo badqabkanafaha iyo maalka shacabka.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka, MudaneXasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa shaaca ka qaadayxukuumaddu go’aan ku gaadhay inay gudato waajibka ka saarannabadda, islamarkaana la dhaafay waan-waantii iyo sabaalihiiarrinta lagu daji jirey, isagoo bulshada qaybaheeda kaladuwanna ugu baaqay inay taageeraan dedaalka xukuumaddu kujirto, waxana uu yidhi, Waxan halkan kasoo jeedinaynaa go’aandawladeed oo ah colaaddaas maanta Fadhi-gaab kasoocusboonaatay waxa lagu gelayaa cudud dawladeed, masuuliyadda nabaddana xukuumaddaa qaadaysa, cid Allah iyociddii wax ka taraysaana haku taageerto xukuumaddadedaalkeeda, laakiin maanta cid kale oo loo dirayo oo aanxukuumadda ahayni ma jirto, haddii ay wasiirro tahay, haddii ay ciidan tahay iyo  xubno kale tahayba waxa nabaddaas tuurta u ridanaya xukuumadda, taas ayaanu cid kasta ku wargelinaynaa.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarintaKalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa dhibaatada iyo colaadaha kusoo noqnoqda deegaanna kuhareeraysan Ceel-Afweyn ku tilmaamay boog ku taallaSomaliland oo aan loo dulqaadan Karin, waxana isaga ooarrimahaas ka hadlayana waxana uu yidhi, Markii taladii la rogrogay Aaggaas Ceel-afweyn, iyo darar-weyne iyo Fadhi-gaabiyo inihii wax ka dhacayeen wixii dhawrkii sano ee ugudambeeyey ka dhacayey waxa ay ku noqotay boog ku taallaSomaliland, waxana ay qarankan ku noqotay dibin-daabyo, dhimasho, magac-xumo iyo khasaare naf iyo maalba ah oomaalin walba taagan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaas ku daray in xalkakaliya ee xukuumaddu arrintaas u haysaa tahay inay gacan adagku qabato oo ay tallaabo ka qaato cid kasta oo colaaddaashurinteeda lagu tuhmo, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oodhan, haddii ay goleyaasha qaranka tahay, haddii ay waxgaradkatahaya, haddii ay culimaa’udiinkii hore u galay tahay iyo haddiiay shacabka wanaagga jecel tahay waxanu idin deeqsiinaynaaxukuumadda in la isku barbar istaago oo aan xal kale loohaynin,ayuu yidhi wasiir Siciid Sulub Maxamed.

HargeisaPress News Desk— Hargeysa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here