Madaxweyne Siillaanyo Oo Ka Hadlay Shakhsiyaddii Marxuum DHAADHEERE Oo Ahaa Xildhibaanka Ugu Da’da Weyn Golaha Wakiillada

0
787

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland, ayaa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Geerida Alle ha u Naxariistii Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ahaa Mudanihii ugu Da’da weynaa Golaha Wakiillada Somaliland, oo ku geeriyooday Dalka Ingiriiska Shalay. Dhambaalka Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (dhaadheere) oo ku geeriyooday Ingiriiska Maanta 01/07/2016.

 

Xildhibaanku wuxu ka tirsanaa 82-ka Xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland, isagoo ka mid ahaa xubnaha ugu da’a weyna mudanayaasha wakiilada, Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Oday waayo arag ah oo door muhiima ku lahaa dib u dhiska iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa dhismaha qaranka, oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarkiisa dhismihiisaba. Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Maxaa Lagu Xasuustaa Marxuum Xildhibaan Ibraahim Maxamed Xuseen (Dhaadheere).

 

Xildhibaan Marxuum Ibraahin Dhaadheere waxaa 29.kii November ee sanadkii 2005-tii si ku meel gaadh ah loogu doortay shirguddoonka golaha wakiillada, kaasi oo sida sharcigu dhigayo lagu xushay da’diisa oo shuruud u noqonaysa in fadhiga u horreeyey ee xildhibaannada cusubi  ku dooranayaan shirguddoonka ay marka hore iska dhex doortaan gudoomiye ku meel gaadh ah oo shirguddoomiye inta doorashada xubnaha saddexda ah ee shirguddoonka noqonaya. Waxaana fadhigaas oo sida sharcigu odhanayo qabsoomay laba bilood ka dib markii ay qabsoontay codbixinta doorashada wakiillada ee iyaga lagu soo doortay oo dhacday 29kii Sept 2005-kii, waxaa markii maxakamaddu dhaarisay xildhibaannada cusub kadib marxuum dhaadheere loo doortay guddoomiye ku meel gaadh ah, hase yeeshee waxaa ay mudanayaashu xilligaas kala hor yimaadeen iska caabin iyaga oo  guddoomintiisa ka dhex dareemay in uu u janjeedho dhinaca xukuumaddii xilligaas uu hoggaaminayay Madaxweyne Rayaalle, isaga oo dabcan Xildhibaan Dhaadheere ka mid ahaa mudanayaashii Xisbiga UDUB uga soo baxay gobolka Sanaag, Qoddobka xusuusta leh ayaa ahaa mudanayaashii xilligaas oo  isugu jiray isbahaysi ay labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ku muquuniyeen dhigoodii UDUB maadaama ay xagga tirada ka badnaayeen xisbiga UDUB, waxaa dhacday in markii Marxuumka la doortay uu isla markiiba ku dhawaaqay in shirku xidhan yahay isla markaana uu ciidammada ammaanka oo kaamboolka golaha ku sugnaa faray in ay amnigiida la wareegaan, isaga oo markiiba fadhiga dibada uga soo baxay, kadibna lagu qaaday baabuurta taliyihii xilligaas ee ciidammada Booliska Marxuum Gen. Maxamed Cige Cilmi.

Intaasi kadib Maxaa Dhacay?

Xildhibaannadii Isbahaysiga ahaa ee UCID iyo KULMIYE oo isugu soo hadhay fadhigaasi isla markaana ay hoolka ka dareereen xildhibaannada UDUB, waxaa ay  mudanayaasha Isbahaystay ku dhawaaqeen in ay guddoomiye cusub u doortaan xildhibaankii ugu da’da weynaa dhexdooda oo ahaa Prof. Maxamed Cumar Jiir oo isagu gobolak Togdheer uga soo baxay xisbiga KULMIYE. Guddoomiyaha cusub ayaa isla fadhigaas waxaa uu ku shirguddomiyey doorashadii lagu doortay hoggaankii saddexda xildhibaan ka koobnaa, oo dabcan ay labada xisbi Mucaarid ku heshiiyeen, kuwaas oo kala ahaa   Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo dabcan isagu Xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Saaxil, kaasi oo guddoomiye loo doortay illaa haatanna guddoomiya golahaasi. Waxaa iyagana ku xigeenka koowaad iyo labaad loo kala doortay Xil. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobolka Hargeysa iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo kamid ahaa xildhibaannadii Is xambaarka ahaa ee KULMIYE uga soo baxay gobolka Sool.

 

Dhacdadaasi kadib waxaa Madaxweyne Rayaalle, uu go’aan adag ka qaatay doorashada hoggaankaasi isaga oo aqbalay doorashadooda, isaga oo sabab uga dhigay in aan   hab sami u socodka wada shaqaynta laamaha amaba waaxaha qaranka aanay dani ugu jirin yooyootan iyo khilaaf ballaysin looga dhigo gardaadinta golaha cusub ee habka dimuqraadiga ah lagu soo doortay.

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here