“RUN & RAADRAAC: Hammigaagu Haddii Uu Kuu Been Sheego, Dabcan Itaalkaaga Ayaa Kuu Run Sheega!!” W/Q: Sacad M. Gadhle

0
1242

Qaado Go’aanka Adag Balse Ha Qaadan Go’aanka AxmaqnimadaAKHRI: Qormo   Farta Ku Fiiqaysa Sooyaalka Siyaasadeed Ee Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Iyo Xilligii Uu Saaxadda Socod-baradka Ku Ahaa.  W/Q: Sacad M. Gadhle

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan Waxaa Uu kamid ahaa Siyaasiyiin uu Madaxweyne Siilaanyo u farqabtay Casharada Siyaasada isla markaana lagu arkay Saaxada Siyaasada,  waxaana hubaala in aanu Waayo aragnimo ka korodhsan intii uu ardayga u ahaa Madaxweynaha isaga oo is macaashsiiyey waxoogaa uu ka bawsaday oo kamid ah Casharraddii badnaa ee uu  muddada  Lixda Sanno ahayd dhiganayay isla markaana uu ka baranayay madaxweynaha oo dabcan ah ruug caddaa ku gaamuray siyaasadda. Xilkii u horreyey ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Xirsi, waxaa ay ahayd sanadkii 2007-kii oo  uu noqday xubintii xisbiga KULMIYE  u soo xulay Kumishanka Doorashooyinka Qaranka S/land iyadoo Xillkaa si rasmiya Xubnihii Komishanka ugala wareegeen Agaasimihii Komishanka Maalin ku Taariikhasan 9/8/2007 isla Maalintaas Xubnihii Komishanku waxay u doorteen Gudoomiye ku Xigeenka Komishanka Waqtigaas oo Madaxwayne Siiraanyo ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye Hirdan adagna uu ugu jiray siduu ugu guulaysan lahaa Kursiga dalka ugu sareeya ee Madaxwaynaha waxaase xusid mudan in uu mudo Sagaal Bilooda ku soo gunaanaday Xilkii Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay isagoo iska casiley Xillkii iyo xubinimadii Komishanka Doorashooyinka Qaranka S/land Maalin ku Taariikhaysan 4/5/2008 iyadoo Taariikhdu ka marag kacaysa in Sagaal Bilood uu Gudoomiye ku xigeenka Gudida Doorashooyinka S/land ahaa uu ku kacay Ficilo  kala duwan   Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.iyo Madaxwaynihii hore ee Rayaale, taasina ay sobobtay in uu gaar uga baxo Todobadii Xubnood ee Komishanka sidaana ay ku raaceen Dhag xumooyin Siyaasadeed oo ka marag kacaya in uu yahay Siyaasi Socod Barad ah oo aan la jaan qaadi Karin una adkaysan Karin Mawjadaha Siyaasada ee hadh iyo habeenba socda .

 

Mar kale waxuu Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay 31/7/2010 Chief of Cabinet Madaxtooyada isagoo mudo Sannad ah uu Xillkaa hayay ku kacay Ficilo ka yaabiyay Bulshada S/land oo Qormo kaliya lagu soo koobi karayn sida Xadhigii 26/5/2011 uu kula kacay Askari ka mida ilaalada Hutelka Ambasodor oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee sugida Amaanka Hutelka Ficiladan oo dhamaantood muujinaya in uu yahay Siyaasi socod barad ah , Sidoo kale Madaxwayne Siiraanyo waxuu u magacaabay 11/6/2011 Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada waxaanu noqday Wasiirka ugu hadal haynta badan Golaha Wasiirada iyadoo Qormo kaliya lagu soo koobi karayn dhacdooyinka ku xusan Sooyaalkiisa waxaase xusid mudan Maalin ku taariikhaysan 2/1/2014 isagoo ku sugan Magaalada Liverpool ee Dalka UK ugu soo hanjabay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ( Sankaan Caano Ka Lisi ) oo Sidoo kale Siyaasigan ayaa lagu xasuusto Weedho Laaxinku ku badanyahay uu warbaahinta u mariyo Golayaasha Qaranka iyo kooxaysi uu Golaha Wasiirada ka dhex Abuuray iyadoo aan la dafiri Karin wixii uu qabtay waxaase marag ma doona in dhamaan wanaagii uu sameeyay uu ku soo gunaanaday in Dhag xumooyin Siyaasadeed ka raacaan Saaxada Siyaasada ka dib markuu Maalin ku Taariikhaysan 27/10/2015 uu Hormood u noqday Wasiiradii ugu tirada badnaa ee mar iswada Casila Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo dhacdadan oo Ugub ku ahayd Saaxada Siyaasada S/land waxay ka marag kacaysa in Siyaasigani Dalka iyo Dadka midna u tudhin, ,Siyaasi Jinni Boqor ah oo Dagdaga iyo Caadifadu madax martay , Siyaasi Midnimada iyo Wadajirka aan ka shaqaynin , Siyaasi aan u Adkaysan Karin arimaha ka hor yimaada , iyadoo dhamaan Dabeecadaha socod baradku ka muuqdaan Siyaasigan. Ugu danbayn inkastuu Siyaasigani yahay hogaamiyihii Wasiiradii iscasiley walina aanu ka tanaasulin diidmadii Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo doorteen Gudoomiye Muuse Biixi Xisbi kalena aanu ku biirin Dadka dhacdooyinka Siyaasada ee Maalinlaha ah sida joogtada ula socdaa waxay ku tilmaamaan Siyaasigan in uu yahay Nin Jini Boqora, Balse waxuu ku guuldaraystay in uu u Cumaamado Murashax Madaxwayne uu isagu wato oo Xisbiga Kulmiye ka soo baxa waxaanse ku soo gunaanadayaa Qoraalkaygan Maah_maahda Soomaaliyeed ee tidhaahda ( Hadii hamigaagu kuu been sheego itaalkaaga ayaa kuu run sheega ).

 

Ugu danbayn waxaan qormadan ku soo gunaanadayaa Sheeko dhaxal gal noqotay, oo dhex martay Suldaan Samo Talisa iyo Nin uu adeer u ahaa oo Suldaanku aad u jeclaa in uu dhaxalkiisa yeesho balse Ninkii Suldaankii oo nool taladii Reerka ku qabsaday Suldaankii oo dhacdadaa Murti ku suuraynayaa waxuu yidhi .

Sadqo badan hadii laga baxshoo sumalo loogay

 Waliyada siraatiyo hadaan culimo sooryeeyay

 Hilbo solaya hadii loo dhigoo sixin ku soo shiilay

 Waa siloon waqtigu saaqidoo saafi noqon waaye

 Kama suulo maangaab in uu samaha diidaaye.

  

Qalinkii: Sacad Maxamuud Gadhle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here