Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Guure ku tagay Magaaladda Berbera

0
871

Berbera,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa safar aan hore loo shaacin galinkii dambe ee Jimcaha ku yimid Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ujeedada socdaalka Madaxweynaha hase ahaatee wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in Madaxweynuhu xadhiga ka jari doono Mashaariic laga Hirgaliyay Dekeda Berbera siiba qayb Koontiidharada la dhigayo oo dib u dhis lagu sameeyay.

Safarka Madaxweynaha ayaan ahayn mid xog faahfaahsan laga siiyay warbaahinta hase ahaatee waxaa la tuhunsan yahay in Olole siyaasadeed ku lamaan yahay Socdaalka kediska ah ee Madaxweyne Siilaanyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here