Gudoomiye Cirro Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Aragtidiisa Jawaabta Xukumaddu ka bixisay Warbixinta Musuqmaasuq Ee Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladu Soo Saartay

0
1009

cirro baaqHargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa markii u horaysay ka hadlay aragtidiisa ku aadan Warbixin Guddida wakiilada u qaabilsan dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranku ku sheegtay in dhibaato badani ka jirto Gobolada dalka islamarkaana Dhaqaalaha loogu tala galay aanu gaadhin balse lagu isticmaalo Xafiisyada Wasaaraddaha ee Hargeysa.
Gudoomiye Cirro waxa uu warbixintaasi ku tilmaamay mid sax ah islamarkaana goluhu sii wadi doono. Warbixintan Guddidu Golaha horkeentay Sabtidii la soo dhaafay ayaa muujinaysay Musuqmaasuq ragaadiyay Hay’addaha dawladda,Hanti dhawrka Qaranka iyo sidoo kale Maamul daadejinta oo maraysa heerkii ugu hoosaysay islamarkaana Kharashka ku qoran aanay cidi gaadhsiin
Gudoomiye Cirro u waramay Idaacad todobaadle ah oo la yidhaahdo Radio Hirad fadhigeeduna yahay Hargeysa ayaa ugu horayn ka hadlay Awoodda golaha ee dabagalka xukumadda“Sida Dastuurku qeexay, dawladdu waxay ka kooban tahay Saddex waaxood oo kala madax banaan oo kala ah Waaxda fulinta,Waaxda Sharci dejinta iyo Waaxda Garsoorka. Xukumaddu waa ta fulinaysa Hawlaha qaranka, Baarlamaankuna Sharci dejinta ka sakow wuxuu leeyahay dabagal in Xukumaddu hawlihii fulisay”
Gudoomiyaha Wakiiladu waxa uu sheegay in Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqu kormeer ku mareen inta badan Gobolada dalka oo ay ka mid yihiin Awdal,Gabiley,Hargeysa,Saaxil, sidoo kalena Gobolada kale ay ka waraysteen cid xogogaal ah,qaarna ay Khadka Telefoonka ku xog-waraysteen.
“Muddadaas ay Gobolada Marayeen Guddidu waxay la kulmeen, Masuuliyiinta Gobolada oo ay ugu sarreeyaan Badhasaabada, waxa kale oo ay la kulmeen Dhamaan wakiilada Wasaaraddaha siiba Isu duwayaasha Wasaaraddaha” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
Haddaba  maalintii guddidu soo saartay warbixinta maalintii xigtay waxaa si kulul uga jawaabtay Wasiirada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo ay weheliyaan Masuuliyiinteeda Hargeysa, intii ka dambeysayna Isu duweyaal badan oo ka mid ah kuwa Guddidu kula kulantay Gobolada ayaa beeniyay inay Guddida u soo bandhigeen wax cabasho ah.
Hase ahaatee waxa uu sheegay Gudoomiye Cirro in Guddidu Masuuliyiinta ay la kulantay ka soo qaadatay Warxibino Muuqaalo iyo qoraal bal eh “Isuduweyaasha ay la kulmeen waxay ka soo duubeen Warbixino Qoraal ah iyo kuwo Muuqaal ah intaba oo ay ku muujinayeen warbixinahooda iyo cabashooyinkooda iyo tabashooyinkooda,markaas iyagoo qoraal ahna way hayaan, iyagoo Muuqaal ah oo hadlayana Guddidu way haysaa” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
Gudoomiyaha Wakiiladu waxa uu meesha ka saaray in warbixintani ahayd mid cid gaar ah lagu beegsanayay “Warbixinta Guddida macnaheedu maaha inay cid gaar ah ula jeeday inay ku cambaarayso laakiin, xilkeedii dastuuriga ahayd ayuun bay gudanaysay.Waxa baarlamaanku soo saarayaana waa baraarujin ee maaha in Wasiir la ceebaynayo laakiin, waa sixid”
Gudoomiye Cirro waxa uu sheegay in Goluhu sii wadayo dabagalka hawlaha xukumadda “Wakiiladu way sii wadayaan arimahaas dabagalka, ama cidi ha beeniso ama yayna beenine, qofkuna xaq buu u leeyahay inuu ka jawaabo laakiin, dabagalku wuu soconayaa.Goluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aano ka soo saaro, Wasiirada iyo isuduwayaasha warbixinta qoraal baa loogu gudbiyay, wixii cidi dood ka qabto waa la saxayaa laakiin arintan sii wadisteedu waa waajib Golaha saaran, markaa go’aanadaasna waa laga soo saari karaa” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
Warbixinta Guddida Ilaalinta Hantida qaranka waxaa sidoo kale ku jirtay in Hanti-dhawrka qaranka uu Musuqmaasuq ragaadiyya sidoo kalena diiday inuu sidii loo baahnaa ula shaqeeyo Golaha, hase ahaatee wuxuu Gudoomiye Cirro sheegay in laga shaqayn doono sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa wada shaqaynta hantidhawrka iyo Wakiilada.

LEAVE A REPLY