Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Oo Ay Fashilaad Ku Noqotey In Aanu Madaarka Kaga Hortagin Madaxweynihii Xilka Kaga Sii Tagey Ee Xaalada Caafimaad Dalka Kaga Maqnaa

0
931
Madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa, (HargeisaPress) β€”Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa Taliyayaasha Ciidamadu kusoo dhaweeyeen Madaarka Caasimada Hargeysa kadib markii uu Shaley Kasoo Laabtey Xaalad Caafimaad oo Todobaadyadii ugu dambeeyay dalka kaga maqnaa.

Talaabadan oo fashilaad Qaran ku ah Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici iyo Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Ay labadaba Waajib Ku aheyd in ay Kusoo dhaweeyaan Madaarka Diyaaradaha Madaxweynaha Somaliland oo Xaalada Caafimaad ugu maqnaa dalka Dibadiisa islamarkaana ay Waajib qaran iyo mid dastuuri ahba qasab ku aheyd in ay dhawraan sunaha iyo hanaanka dawladeed waxay talaabadani daaha ka feyday in aan habayaraatee masuuliyiinta Qaranku isku haynin tixgalintii iyo is ogaanshihii nidaamka qaranimo waajibiyay in ixtiraam gaar ah iyo qadarin loo muujiyo Madaxweynaha dastuuriga ah.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland iyo Gudoomiyaha Kulmiye Β Oo Ay Fashilaad Ku Noqotey arintani, Musharaxiinta Kulmiye Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ayaa isku qacniyay inay hawlahooda iska wadtan.

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram:Β @Hargeisapress

Follow us on Twitter:Β @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here