Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qeyb Galay Qalin Jabinta Dufcadii 5aad Ee Jaamacadda Tima-cade ee Magaalada Gabiley + SAWIRRO

0
1579

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  iyo Wafti uu hogaamiyey ayaa ka qeyb galay Xaflada Qalin Jabinta Jaamacada Timacade ee Magaalada Gabiley oo ay ka qalin jabiyeen Dufcadii 5aad.

Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey qalin jabinta Ardayda Timacade ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Wasiirada Hawlaha Guud, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warshadaha, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey   horumarka jamaacada Gabiley iyadoo  door muuqda ay ku leedahay Xukuumada Somaliland,  Maayir Magaalada Gabiley  oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay inay Dawladda hoose qaadaato hadba qofka ugu sareeya hadii uu qofkaasi shaqo haysta ay shaqaalaysiiyaan qofka xaga dhibcaha kusoo xiga.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland  Maxamed Xaaji Aadan ayaa sheekay inay Wasaarad ahaan xooga saaraan Waxbarashada dalka islamarkaana ay intii Xukuumada Madaxweyne Axmed Silaanyo uu hogaamiyaa dalka ka talinaysay, sidoo kale wuxuu xusay inay ka Wasaarad ahaan ay yihiin Waalidkii labaad ee dhalinyarada qalin jabinaysa islamarkaana ay Ardayda la qeybsanayaan Farxada iyo daamaashaadka.

Madaxweyne Ku xigenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba hambalyo u diray Arday ka qalin jabinaysay Jamaacada Timacade ee Magaalada Gabiley , waxaana uu xusay inay Aqoontu tahay shayga keliya ee lagu horumarikaro islamarkaana dalku u baahan yahay dhalinyaro aqoon leh, Mudane Saylici ayaa sidoo kale  in Xukuumada uu Madaxweye ku xigeenka ka yahay islamarkaana ka dhalatay Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye  ay dalka wax badan ka qabatay mudadii ay talada waddanka hayeen.

 

Ugu Danbayntiina Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey  Ardaydii kaalmaha ka galay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu ka kooban tahay sidoo kalena  gudoonsiiyey qaar kamida Shirkadaha Ganacsiga iyo dadkii doorka la taaban karo kasoo qaatay dhismaha Jamaacada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here