Hargeysa: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha oo Tartamo U Furay Caruurta Da’yarta ee Akadamigga Ciyaarsame + SAWIRRO

0
1724

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa galabnimaddii Shalay oo Jimce ahayd garoonka kubadda cagta ee Ciyaarsame Football Stadium oo ah garoomadda nooca doogga sanaacigii ku goglan yihiin ee ku yaala magaaladda Hargeysa, ayaa tartan saddex geesood ah oo aan noocooga hore loogu arrag Somaliland u furay caruur aad u da’yar oo Akadamigga Ciyaarsame uu gacanta ku hayo, kaas oo muddo u socon doona.

Tartantamaddan oo uu soo qaban-qaabiyay Haldoor Cabdiraxmaan Daahir Cumar oo ah mulkiilaha Garoonka iyo Akademigga (Ciyaarsame Football Stadium and Academy), waxaa xafladdii furitaanka ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Agaasimaha Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Cumar Cismaan Miigane, Garsoore Mahdi Jawaase, Macalimiinta Akadamigga Ciyaarsame, Waalidiinta caruurta da’yarta ah iyo marti-sharaf.

Tartamaddan oo ka qeyb-galayaan 12-kooxood oo da’doodu aad u hooseyso, ahna caruurta ku jirta Akadamigga Ciyaarsame Football Accademy kuwaas oo da’dooda ka ugu weyni uu yahay 16-sanno jir, halka kuwa ugu yarina ay da’doodu tahay 8- sanno jirro. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Mulkiilaha garoonka Haldoor Cabdiraxmaan Daahir Cumar, waxaana uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dhallinta da’da yar ee soo koraysa inay tartankan u furaan markii lixaad, maadaama ay xiiso ay u hayaan ciyaaraha waxaana uu aad u bogaadiyey waalidiinta caruurta da’yarta ah ee ay gacanta ku hayaan, isaga oo xusay sidoo kalena inay waalidiinta wada shaqeyn iyo xidhiidh wanaagsani uu ka dhaxeeyo.

Mulkiilaha garoonka Cabdiraxmaan Daahir Cumar ayaa sidoo kale waxa uu xusay in ujeedada tartamaddan oo saddex ah ay u qabanayaan ay tahay mid lagu dar-dar gelinayo xirfadda caruurta da’yarta ah, maadaama ay muddo casharro dhanka ciyaarta kubadda cagta ah ay soo siinayeen, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan maanta [shalay] halkan tartan saddex geesood ah ugu fureynaa caruurta da’yarta ah ee Ciyaarsame Football Accademy ku jirta, tartamaddani waxay yihiin kuwo saddex qeybood ah oo muddo u soconaya, iyada oo qeyb kasta ay tahay da’ gooniya. Qeybta 1-aad ayaa ah da’yarta 16-jiradda ilaa 14-jirada, halka qeybta 2-aad iyagana da’doodu tahay 14-jiradda ilaa 12-Jiradda, sidoo kale qeybta 3-aad ayaa iyagana da’doodu tahay 12-jiradda wixii ka yar oo ilaa 8-sanno jirku ugu hooseeyo. Waxaa noo sharaf ah inaanu markii lixaad oo xidhiidh ah aanu tartamo noocan ah u furno, annaga oo weliba abaal-marrino iyo billado ay ku farxaan kooxaha iyo ciyaartoyda da’yarta ahna aanu guddoonsiino marka aanu u soo xidhayno tartamaddani aynu maanta u furayno.

Waxaan halkan uga mahad-naqayaa macalimiinta iyagu sida joogtadda ah caruurta u barra xirfadda iyo shuruucda kubadda cagta iyo waalidiinta caruurta oo runtii iyagu si joogto ah noogu xidhan, markastana naga wareysta xaaladaha caruurtooda iyo hadba waxa u kordhay, sidoo kale iyagana waxaan u mahad-celinayaa masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubadda Cagta oo aanu wadda shaqeyn fiican leenahay, inta baddana nagala soo qeyb-gala marka aanu u furayno ama u xidhayno tartmadda” ayuu hadalkiisi ku soo koobay.

Agaasimaha Dalladda Dhallinyarada SONYO Mr. Cumar Cismaan Miigane, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa aad ugu riyaaqay caruurta aadka u da’da yar ee Akadamigga Ciyaarsame uu gacanta ku hayo, waxaana uu si gaar ah ugu hambalyeeyay uguna dhiiri-geliyay Mulkiilaha Ciyaarsame Football Stadium and Academy inuu halkaasi ka sii waddo dedaalka iyo kobcinta caruurta aadka u da’da yar ee ay gacanta ku hayaan, waxaana uu waalidiinta ugu baaqay inay caruurtooda wakhtiyadda aanay wax-baraneyn ay siiyaan wakhti fiican oo ku filan oo ay ku ciyaaraan. Garsoore Mahdi Jawaase iyo laba xubnood oo ku hadlayay afka waalidiinta caruurta da’yarta ah oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Mulkiilaha Haldoor Cabdiraxmaan Daahir Cumar iyo maamulka iyo macalimiinta garoonka iyo Akademigga (Ciyaarsame Football Stadium and Academy) uga mahad-naqay sida hufan ay ugu hagar baxaan wax-barrida iyo kor-u-qaadida xirfadda caruurtan aadka u da’ yar.

Ugu dambeyntii, waxaa xafladdan soo gunnaanaday halkaasna ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), waxaana uu xusay inay aad ugu faraxsan yihiin soona dhaweynayaan ka Wasaarad ahaan in caruur tiro baddan oo da’dooduna aad u yar tahay inay helaan xarun nadaafad ahaan iyo caafimaad ahaanba laga shaqeeyay oo ay ku bartaan ciyaarta kubadda cagta, waxaana uu Mulkiilaha garoonka iyo Akadamigga uga mahad-naqay horumarka uu ku talaabsaday.

Gaba-gabaddii Agaasime Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxa halkaasi guud ahaanba ciyaartoyda da’yarta ee Akadamigga Ciyaarsame ugu baaqay inay ka faa’ideystaan fursadan lagu barrayo ciyaarta kubadda cagta, sidoo kalena waxa uu ku guubaabiyay inay waxbarashadda ay muhiimadda koowaad saaraan si ay mustaqblaka naftooda, waalidkood iyo dalkoodaba u anfacaan.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here