Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamijka Sahanka Caafimaadka Bulshada

0
1341

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa daahfuay barnaamijka sahanka Caafimaadka iyo arrimaha bulshada ee Somaliland.

Munaasibada lagusoo bandhigayey Xog uruurinta laga sameeyey barnaamijka ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Caafimaadka , Qorshaynta iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Cumar C. Cabdilaahi oo ka hadlay munaasibada daahfurka sahanka caafimaadka iyo arimaha bulshada ee Somaliland ayaa ka warbixiyay mahmiyada sahankan uu dalka u leeyahay. “Waa sahan aad u muhiim ah oo iftiiminaaya arrimo badan oo la xidhiidha Caafimaadka, Biyaha iyo arrimaha bulshada . kaasi oo xambaarsan xog balaadhan oo aynu u isticmaali doono arrimo kala duwan” ayuu yidhi.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa soo jeediyey in xogta lagu qoro Afsoomaali si loo gaadhsiiyo bulshada Somaliland , waxana uu yidhi “Xogta in afsoomaali lagu qoro waa muhiim iyada oo la gelinaayo Wargeysyadda, Idaacadaha iyo Telefashinada maalinba mawduuc si umadda loogu soo bandhigo si uu gobol walba u garto halka uu ku wanaagsan yahay ama ku liito “

Barnaamijka sahanka caafimaadka iyo bulshada ee somaliland oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka ayaa lagusoo bandhigay heerka iyo hiigsiga Caafimaadka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here