Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo Berbera Ka Furay Mashruuca Horumarinta Berbera + SAWIRRO

0
603

BERBERA (HargeisaPress) -Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta maagaalada berbera ka daahfuray Mashruuc socon doona muddo 4 sano ah iyadoo qiimahiisu dhan yahay  7.5 milyan oo lacagta yurub ah.

Munaasibad loo qabtay daah-furka mashruuca horumarinta Berbera waxa kasoo qayb galay safiirka midawga ee Soomaaliya iyo Somaliland, Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta, wasiirka hawlaha guud, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha, maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo masuuliyiin kale.

Meeyarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) ayaa midawga Yurub uga mahad celiyay mashruucaasi lagu horumarinayo Berbera isagoo ballan qaaday inay si fiican ula shaqayn doonaan. Sidoo kale xubno kamid ah golaha wasiirada oo furitaanka mashrucaas ka qayb galay ayaa soo dhaweeyay.

Safiirka midawga ee Soomaaliya iyo Somaliland, Nicolas Berlenga ayaa sheegay inuu mashruucani yahay mid wayn isla markaana muddo laga soo shaqaynayay isagoo xusay inuu kaalin wayn ka qaadan doono shaqo abuurka dhalinyarada horumarinta bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa ugu dambayn mashruucaasi daah-furay ayaa sheegay inuu mashruucani qiimo weyn ugu fadhiyo Somaliland, waxanu tilmaamay inay xukuumaddu soo dhawaynayso guud ahaan mashaariicda iyo maalgashiyada dalka lagu horumarinayo.

Madaxweyne ku xigeenka JSL waxa uu bogaadiyay magaalada Berbera ee mashruucaasi nasiibka u heshay. Isagoo midawga Yurub uga mahad celiyay maal galinta mashruucaasi.

HargeisaPress News Desk -Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here