Maayarka Laascaanood: Warbixin Sanadeedkiisii oo Iftiimiyay Waxqabadkii Sadex Sanno iyo Dakhligooda Oo Aad UgaHooseeya Degmooyinka Kale Q3aad

0
619
Maayarka Degmada Laascaanood ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka

Laascaanood(HargeisaPress)-Maayarka Degmada Laascaanood ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka iyo Xoghayaha UrurkaD/hoose ee Somaliland Cabdicasiis Waxa uu ka Waramey Waxyaabaha u qabsoomaymudada uu Xilka hayey, iyo Qorshayaasha Waxyaabaha adeegyada aasaasiga u ahBulshada ee ay Damacsan yihiin inay Wax ka qabtaan Sanadka Cusub ee 2020ka.

MaayarkaLaascaanood, oo Sanadkii taggey ee 2019k Noqdey Maayarkii u horeeyay ee DegmadaLaascaanood,oo Shacabka Magaaladaasi Su,aalo furan oo toos ah Wax kagaWeydiiyaan Shaqadooda xilka ay Bulshada u hayaan, Waxeynu Qormaddan Sadexaadkusoo gunaanadeynaa Qeybtii Sadexaad ee Warbixin Sanadeedkiisii 2019ka Wixii ayShacabka u qabteen, iyo Mashaariicdii ay Qeybta ka ahaayeen, ee ay lakaashadeen Xukuumadda Dhexe, Hay,adaha Samafalka Caalamaiga ah iyo Shirkadahaba.

«MadaarkaLaascaanood, oo ah ka kaliya ee ka Furan Dalka, marka laga taggo MadaarkaCaasimada dhismaha 5KM ee Madaarka ka D/hoose ahaan anaku Qeybta ugu badanayaanu kaga Qeybqaadanaynaa Waxqabadkayagana wey ku Suntan tahey ilaa iyo haddaoo aan Wali la dhamays tirin marka loo eego Awoodayadda Dakhli, Waxaanu kuRajo-weynahay in uu Dhawaan noo dhamaan Doono,Waxaana iska kaashadey oo nagalaqeyb qaatey Xukuumada Dhexe ee Somaliland oo iyaddu D/hoose ku kaabtey intii ayQeybta ku yeelatey taas oo boqolkiiba 25% ah halka Hay,adda USAID».

«Waxaanu SameynaySaddex Buundo oo kuyaala Wadada Madaarka, ka D/hoose ahaan Waxaanu Dayactir kusameynay Waddooyinka Marraaga iyo Daladka, halkaas oo khatar Weyn looga cabsiqabey suurtagalna ay aheyd in ay Shilal ka dhacaan»Ayuu yidhi MaayarCabdicasiis Taarwale. Isagoo hadalkiisasii Wata waxa uu Carabka ku dhuftey,in Muddo xileedkiisu ku simey in DegmadaLaascaanood laga fuliyo,isagoo ah Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Qorshe,ay kuadkaan laheyd in laga hirgaliyo Degmadan nidaamka hagaajinta qorshahaMagaalanimo ee (Town-Palaning)ka oo ah mid aad u balaadhan.

Magaalada Laascaanood

«Ka Maamul ahaanD/hoose iyo Golaha Deegaanka, iyo Fulintayaddu Waxa aanu ku dhiiraney doorweyna kaga qeyb qaadaney sidii looga hirgalin lahaa Degmada Laascaanood,Mahruucan (Town Palaning)ka oo qof Waliba qiyaasi karro culeyskiisa, iyoSaamaynta uu leeyahey iyadoo uu hindihiisu yahey mid ku siman kontonkasanadood,ee soo socda Waxaanu ka maamul ahaan uga mahadcelinaynaa,Madaxweynaha,Wasiirka Hawllaha Guud iyo Shacbiga Reer Laascaanood,ee u bislaadey Wakhtigan,in Qorshe loo Sameeyo Dhismaha iyo FiditaankaMagaalada,iyo Waliba Ciidamada amaanka, Waxaana Xusid muddan in aanu ka Maamulahaan kaga qeyb galney intii Awoodayadda ah in aanu Dhaqaale bixino».

 

«Waxaanu soodiyaarinay ka Maamul ahaan qorshaha qeyb ka ah Master Balnka cusub, oo lagukordhiyay xaddiga iyo cabirka loo dhigo baloodhadda laga dhisayo GuryahaMagaalada, oo halkii uu markii hore ka ahaa 15/15 aanu ka dhigney, 20/20, Sidookale Magaalada Laascaanood, anakoo ka maamul ahaan eegayna in Waxweyn lagabaddelo habaqankii Faras-Magaalaha si bilicda iyo Fursadu usoo baxdo, waxaanuka raraneynaa Istaamada looga baxo Magaalooyinka kale, ee kuyaala Gudaha anakooistaan kasta qaabilsiin doona, Jihadda Gaadiidkaasi uga baxayaan MagaaladaLaascaanood, Waxa kale oo aanu ka joojinay gudaha Magaalada Gaadiidka sidaXamuulka Culus, ee lagu rogayo Bakhaaradda Ganacsi ee kuyaala Jidka WadnahaMagaalada kuwaas, oo aanu ku marney in Rarka laga Roggo niska dambe eehabeenkii, ama ay ku Rogaan Istoodho ugaar ah Bakhaaradda» Ayuu yidhi Maayarku.

«Waxaanu kurajjo-weynahay in ay boqolkiiba sagaashan nooga hirgalaan, hindisaha Qorasayaasha Waxqabad ee aanu ku saleynay Arimaha aanu xooga saareyno Sanadkan Cusub ee 2020 kuwaas, oo aanu kaga faa,ideysaneyno Waayo-aragnimadii Sadexdii sanno ee aanu lasoo kacaa kufney Waxqabadka aan soo sheegay oo marka heerkayaga Degmo loo eego aanaan u yareysan, islamarkaana, aanu wax baddan ka daboolidoono Mustaqbalka Adeegyadda aasaasiga u ah Bulshada, Waxaananu ku ka qeybqaadan doonaa Ka Maamul ahaan Biyo Galinta Degmada Laascaanood, oo ay ku Guuleysatey mid kamid ah Shirkad kasoo jeeda Gobolka, oo iyaddu hadda keentayMatooro»Ayuu yidhi.

Gabagabadiina Waxauu Maayarka Laascaanood, Xusey in aaney Ka Maamul ahaan marnaba ilaawi dooninWaxqabadka ay kasoo Qabteen Gobolka iyo Degmada Mudadaasi kuwaas, oo DoorkaNabedgalayadu Taariikhda u gali doonto islamarkaana, ay kaalinta koowaad kagajiraan dhismayaasha Saldhigyadda Ciidamada Booliska ee uu kamid yahey SaldhigaFarxaskule, oo Warbixinta Hordhaceeda kujirey.Waxaanu ubalanqaadey Shacabka Reer Laascaanood, in ay hadda soo iibinayaan Laba boqol ooLaambadaha jidadka iyo amniga iyo bilicda Magaalada qeyb ka noqon doonaan.

HargeisaPress News Desk -Hargeysa

LEAVE A REPLY