Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Jaaliyadda Holland Kala Qaybgalay Xuska18-ka May

0
958

Amsterdam (Hargeisa Press)- Wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kala qayb galay munaasibad lagu xusayay 18-ka May, jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Holland.

C/raxmaan Saylici, iyo weftigan uu hogaaminayo oo safar shaqo ku maraya wadamo ka tirsan qaaradda Yurub, waxaa ku wehelinaya wasiirka Arrimaha Dibadda JSL Dr. Ciise Kayd, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.

Waxaanay weftiga madaxweyne ku-xigeenku caasimadda dalka Netherland, kaga qayb galeen xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan ugu dabaal-degayeen xuska maalinta qaranimadda JSL ee 18-ka May.

Waxaana xafladaasi soo qaban qaabiyay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Holland, Mr. Digaale, iyo sidoo kale Dallada Somaliland Society Forum, ee ay ku midoobeen qurbe joogta Somaliland ee wadamadda qaarafda Yurub.

Iyadoo na ay munaasibadaasi ka soo qayb galeen boqolaal ka mida jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalka Holland, iyo sidoo kale wadamadda la jaarka dalkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan Saylici, oo khudbad u jeediyay dadweynihii xafladda joogay ayaa ku dheeraaday taariikhda xuska 18-ka May, isagoo na waramay xaaladda uu haatan dalku marayo.

C/raxmaan Saylici, ayaa si weyn ugu mahad celiyay jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Holland, sida diiran ee ay weftigiisa u soo dhaweeyeen.


Waxaanu madaxweyne ku-xigeenku ku amaanay qurbe joogta sida ay isugu duuban yihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sidoo kale u mahad celiyay doorka weyn ee qaban qaabadda xafladda xuska 18-ka May, ka qaateen Dalladda ay ku midaysan yihiin qurbe joogta Somaliland ee ku kala nool dalalka qaaradda Yurub.

Waxa kaloo aan isna u mahad celinayaa safiirka Somaliland u fadhiya dalka Holland, mr. Digaale, oo ah ninka aanu martida u nahay, isaga na aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa”.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa hadalo ka jeediyay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, iyo safiirka Somaliland u jooga dalka Holland Mr. Digaale, waxaanay jaaliyadda, iyo dadweynihii xafladda ka soo qayb galay ku bogaadiyay sida ay u qadiyadoodda u muujiyeen.

DAAWO: Khudbadihii Laga Jeediyay Xafladaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here