Somaliland oo Maanta Shaacisay Kiisas Cusub oo Coronavirus Ah

0
1585
Covid-19
Covid-19

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Horumrinta Caafimadka Somaliland ayaa maanta shaacisey Kiisas cusub oo xanuunka Coronavirus ah.

Wasaaradda waxay sheegtay in Dad baadhitaan lagu sameeyay 48-kii Saacadood ee u dambeeyay ay tahay 65 waxaana laga helay 17 qof.

Baadhitaanka 24kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 65
Todaba iyo toban qof (17) ayaa laga helay xanuunka, 17 waa Somalilander. Bukaanadan 14 qof waa rag, 3 qofna waa dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 8 qof)
(30jir ilaa 39jir = 4 qof)
(40jir ilaa 49jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 1 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 6 qof, Boorama  10 qof  iyo  Burco oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 2 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Afar iyo Lixdan (64).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here