Sirdoon Caalami Ah oo Xaqiijiyay In Al-shabaab Ku Lug-leedahay Dagaalka Laascaanood

0
3825

Nairobi (Hargeisa Press) – Sirdoonka caalamka, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay ku lug leeyihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood, isla markaana ay markhaati u noqotay hadalkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 30-kii January ku sheegay in mushkilada Laascaanood ay ka dambayso argaxisada caalamiga ah.

Mr. Rashiid oo ah khabiir sare oo falanqeeya arrimaha Geeska Afrika iyo Khaliijka, ayaa sheegay in hadalkii Somaliland imika aanu ahayn sheegasho keliya, laakiin Hay’addaha Sirdoonka ee Geeska Afrika ka hawlgala ay imika u arkaan macluumaad la aamini karo.

Khabiirkan oo ka hawlgala Hay’adda Sahan oo qaabilsan cilmi-baadhista arrimaha amniga, ciidamada, siyaasada juquraafiga, iyo isku-dhacyada, fadhigeeduna yahay dalka Kenya, ayaa sheegay xog-ururin sirdoon dahsoon oo lagu helay hab elektaroonik ah ay muujinayaan xidhiidh ka dhexeeya xarunta dhexe ee Al-shabaab ee Jubada Hoose iyo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalamaya Laascaanood.

“Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay u direen 150 ka mid ah dagaalyahanadooda Dhulbahante si ay ugu biiraan cutubyada SSC ee lagu soo ururiyay Buuhoodle. 500 oo ka tirsan ciidamada SSC-Al Shabaab ayaa loo diray safka hore.” ayuu sheegay.

Qoraalo uu Khabiir Rashiid ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in magacyada shaqsiyaadka Shabaab ee xogaha sirdoon lagu ogaaday ka mid yihiin Cabdi Madoobe, Mowliid Leylooni, Faarax Maxamuud Jaamac oo la rumeysan yahay inay yihiin isku-duwayaasha qorshahooda.

“Al-Shabaab ayaa hadda ku lug leh rabshadaha Laascaanood. Taasi hadda ma aha sheegasho ay Somaliland leedahay. Hay’addaha Sirdoonka ee Geeska ka hawlgala waxay hadda u arkaan macluumaadka la aamini karo.” ayuu yidhi Rashiid.

Khabiirkan, ayaa amaanay shaqada Sirdoonka Somaliland, isla markaana ku tilmaamay kuwa ugu wanaagsan Geeska.

“Sirdoonka Somaliland waa kuwa uugu wanaagsan Geeska Afrika. Dhawr sano ka hor sirdoonka Somaliland ayaa horseeday hawlgal caalami ah oo lagu fashiliyey weeraro waaweyn.

“8-dii February 2023 qoraal ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagaga hadlay in loo baahan yahay in lagu biiro jihaadka “Sool, Sanaag iyo Cayn”. Dowladda Somaliland ku tilmaantay ‘Murtadiin’.

Rashiid, ayaa sheegay “inuu arkay xog sirdoon oo faahfaahsan oo ku saabsan shaqaaqada iyo dagaalka Laascaanood.

“Marka ay Somaliland tidhaahdo waxaan la dagaalamaynaa argagixisada caalamiga ah, waxay leedahay sabab wanaagsan oo ay ku odhan karto.

Caalamku waa inuu si fiican u dhegeysto waxa Somaliland sheegayso.”

Xogahan sirdoon, ayaa markhaati cad u noqonaya hadalkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, 30 January ummada iyo caalamka ugu sheegay in mushkilada Laascaanood ay ka dambayso argagxisada caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here