Wasiirka Warfaafinta oo Sheegay in Aanu ku Faraxsanayn Qarixii Muqdisho ka Dhacay Balse Hadalkiisa la Bedelay

0
820

Hargeysa (HargeisaPress)–Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in aanu ku faraxsanayn qaraxii sabtiidii ka dhacay magaalada Muqisho ee sababay dhimashada iyo dhaawaca badan, balse dad ku mucaarid ahi ku eedaynayaan inuu ku faraxsan yahay dhibka ka dhashay Qaraxii 29-kii October ka dhacay isgoyska Soobe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkasta oo bini’aadam ah oo dhibi soo gaadhay dhibtiisa uu ka xun yahay, isla markaana haddii wax la tari karayo wax weyn la tarilahaa.

Waxaanu yidhi.“Shalayto kelmado ayaan meel ka idhi, dad aan badnayn oo reer Somliland way ruxeen, niman reer Xamar ah oo hawl aan habboonayn Somaliland kaga yidhi ayaan u jawaabay, qaar ka mid ah bulshada ayay dhaqdhaqaajisay, waxaanay dadkaasi kala garan waayeen kala duwanaanshiyaha marka dalka dibedda laga soo weeraro iyo marka gudaha.

Nin kuwiirsan kara ama jeclaysan kara ama hadal xun ku odhan kara qof bini’aadam ah oo dhiban ma’ihi, haddiise nimanka Xamar jooga aan ku idhaahdo waxa masuuliyad idiinka baahan dadka hortiina ku dhimanaya ee Somaliland masuuliyad idiinkama baahna miyaan khaldanahay, inahaa rag iyo dumarba way igu dureen, balse qofkasta oo bini’aadam ah oo dhibi soo gaadhay dhibtiisa waanu ka xunahay, haddii wax weyn oo aanu tari karno aanu haynana waanu tari lahayn, waxaanay naga mudan yihiin taageero iyo gargaar”

LEAVE A REPLY